Wasiirka waxabarashada oo musuq maasuq xoogan oo marqaati leh lagu helay

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Waxbarashada dowladda Soomaaliya Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan ayaa lagu helay musuq maasuqiii ugu weynaa kadib markii uu lacag sharci darro ah ka qaatay 70 Arday oo ay dowladda Soomaaliya dalka masar uga soo dhameysay waxbarasho lacag la’aan ah.

Dowladda Masar ayaa dalka Soomaaliya ugu deeqday waxbarasho lacag la’aan ah oo la siinayo Arday badan oo Soomaaliyeed balse nasiib xumo deeqdaas waxbarasho waqtigii loogu talagalay ayaa ka dhacay kadib markii wasaaradda Waqxbarashada Soomaaliya ay sameysay isdaba marin iyo ardayda oo lagu xajeeyey lacago waali ah.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa madaxweynaha dalka Masar ka codsaday in dib loo soo cusbooneysiiyo deeqdaan waxbarasho ee waqtigeeda dhacay si loogu faa’ideeyo ardayda Soomaaliyeed.

Madaxweyna Dalka Masar Abdel Fattah el-Sisi ayaa aqbalay codsigii madaxweynaha Soomaaliya, waxaana laga gaaray in lasoo celiyo ilaa deeqda 70 Arday oo Soomaaliyeed, wuxuuna Madaxweynaha Masar codsaday in si dhaqso ah loo soo diro ardaydaas.

Dowladda Soomaaliya ayaa deeqdaas u qeybisay Maamul Goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir, wuxuuna Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo bixiyey dhammaan lacagta Takidhada ee 70-kaan arday iyo qarashaadka ku baxayo bixitaankooda.

Wixii markaas ka dambeeyey waxaa shaqada la wareegay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Soomaaliya Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan, kaasoo ay dowladda u xil saartay inuu dhameeyo bixintaanka ardaydaas.

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya ayaa ku kacay musuq maasuq weyn kadib markii uu ku amray Ardaydii deeqda la siiyey ee uu Madaxweynaha ka bixiyey dhammaan Qarashka inay dhiibaan lacag gaareyso 550 Dollar mid kasta oo kamid ah ardaydaan, wuxuuna ka qaatay lacag gaareyso ilaa 38500 (Soddon iyo Sideed Kun iyo Shan Boqol oo Dollar) maadaama ay ahaayeen 70 Arday.

Wasiirka ayaa waxaa lacagtaas ardayda uga aruuriyey nin lagu magacaabo Cabdifataax oo kamid ah Shaqaalaha wasaaradda isla markaasna ah nin aad ugu dhow Wasiirka dhanka shaqada iyo waxyaabo kale.

Dowladda Soomaaliya ayaa ka war heshay falka uu ku dhaqmay Wasiirka Waxbarashada, waxaana Wasiirka la xiriiray Ra’isulwasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed oo waydiiyey sababta keentay inuu  arrintaan musuq maasuqa ah sameeyo, wuxuuna Wasiirka ugu jawaabay inuusan wax shaqo ah ku laheyn tallaabada uu qaadayo isagana uu xor u yahay Wasaaradda Waxbarashada uusana cidna kala tashaqeyn waxa uu sameenayo.

Kiiskaan ayaa markaas kadib noqday mid aad usii cuslaaday waxaana mar kale Wasiirka la xiriiray Agaasime ku xigeenka Villa Somalia oo wasiirka Waydiiyey sida uu ku keenay inuu falkaan ku dhaqmo, wuxuuna sidoo kale ugu jawaabay hadal kasii daran midkii uu ugu jawaabay Ra’isulwasaare ku xigeenka dalka.

Sheekada ayaa kasii dartay waxaana arrinta Wasiirka Waxbarashada loo gudbiyey Ra’isulwasaare Xasan Cali Kheyre oo hore u sheegay inuu soo dhameenayo Musuq maasuqa ka jira dalka, waxaana  laga codsaday inuu wasiirka waydiiyo falkaan iyo sida ay ku dhacday.

Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa la hadlay Wasiirka Waxbarashada, waxaana sidoo kale arrinta soo dhex galay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo hore u shubay dhammaan qarashka lagu wadayey ardaydaan.

Ugu dambeyntii Wasiirka Waxbarashada ayaa si deg deg ah loogu amray inuu dhammaan u celiyo ardayda 70-ka ah ee laga qaaday 550 Dollar midkiiba, waxaana si lama filaan ah loogu geeyey Xarunta Sahal ee Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo ay ku sugnaayeen, waxayna la noqotay arrin la yaab leh markii loo sheegay in lacagtaan looga qaaday Musuq maasuq iyo wax isdaba marin.

Xaalka Ardayda

70-ka arday ee Masar loo qaadayo ayaa la filayaa inay maanta ka dhoofaan Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, iyadoo laga qaadi doono Hotel ay dajisay dowladda Soomaaliya.

Musuq Maasuq hore oo uu sameeyey Wasiirka

Wasiirka Waxbarashada ayaa horey u sameeyey Musuq maasuq badan oo ku aadan deeqo waxbarashada oo laga helay wadamo badan oo ka tirsan adduunka.

Wasiirka Waxbarashada ayaa lumiyey deeqo waxbarasho oo ay Soomaaliya ugu deeqeen dalalka Japan iyo Shiinaha kadib markii uu ardayda ku xujeeyey inay bixiyaan lacag aad u badan oo laaluush ah taasoo keentay inay dhacaan dhammaan deeqihii la siiyey Soomaaliya.

Musuq maasuqihii ugu weynee ee uu sidoo kale Sameeyey Wasiirka Waxbarashad ayaa waxaa kamid ah inuu qiyaanay arday badan oo Soomaaliyeed  oo ku guuleystay deeq waxbarasho oo laga helay dalka Itoobiya.

Waxaa jiray arday buuxiyey dhammaan shuruudihii laga doonayey ee deeqdaas waxbarasho, iyagoo loo sheegay inay ku guuleysteen balse ay dhacday in ugu dambeyntii boosaskaas laga iibiyey shakhsiyaad kale, halka kuwa kalana lagu siiyey hab Beeleed taasoo niyadjab weyn ku noqotay ardaydii isku diyaarisay inay waxbarasho u aadaan Dalka Itoobiya oo xataa Shahaadooyinkoodii iyo baasabooradi laga qaaday balse dib loogu soo celiyey.

Maxaa ka dhaxeyo Kheyre iyo Wasiirka Waxbarashada?:

Wasiirka Waxbarashada wuxuu kamid ahaa jaaliyadda Dalka Norway, waxayna in badan saaxiibo ahaayeen Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Kheyre, iyagoo iskala shaqeenayey Hey’adda NRC ee uu madaxda u ahaa Xasan Cali Kheyre.

Tallaabada laga sugayo Kheyre

Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre  ayaa ku dhawaaqay markii loo magacaabay xilka Ra’isulwasaaranimo ee Soomaaliya  inuu la dagaalami  doono musuq maasuqa ka jiro dalka Soomaaliya oo uu ku sheegay inay arrinta kaliya ee hor taagan horumarka iyo horusocodka dalka iyo dadka.

Haddaba Ra’isulwasaare Kheyre ayaa mari doono tijaabadii ugu horeysay ee la dagaalanka Musuq Maasuqa, waxaana laga war sugayaa go’aanka uu ka qaadan doono Musuq maasuqa cad oo uu ku lug yeeshay Wasiirka Waxbarshada, oo xataa si cad Ra’isulwasaare ku xigeen dalka ugu sheegay inuu isaga Mas’uul ka yahay Wasaaradda Waxbarashada oo uu sameenayo tallaabo kasta oo uu rabo.

Haddii uusan Ra’isulwasaare Kheyre tallaabo cad ka qaadin Wasiirka Waxbarashada isla markaasna uusan xilkiisa ku weyn musuq maasuqa marqaatiga leh ee uu sameeyey waxaa caddaan doonto inaysan jirin waxa loogu yeero la dagaalanka Musuq Maasuqa.

Maanta waxaa Kheyre looga fadhiyaa inuu iska iloobo saaxiibtinimada isla markaasna uu fiiriyo fulinta ballan qaadkii uu horey u sameeyey si ay arrintaas u noqotay mid ku dayasho mudan isla markaasna uu muujiyo inuu u taagan yahay ilaalinta xuquuqda dadka Soomaaliya iyo la dagaalanka Musuq Maasuqa oo hareeyey dowladihii hore usoo maray dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com