Ceel waaq (Caasimada online) Wararka aan ka heleyno Degmada Ceel-Waaq ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaasy ka jirto Xiisad Colaadeed , iyadoona halkaas ay ku sugan yihiin ciidamo Kenyan ah iyo Ciidamo Somali ah .
Warar ayaa sheegay in Ciidamada Somalida ah ee la socda Ciidanka Kenya ay isku Maandhaafeen Maamulida degmada, waxaana ay u kala safteen qaab ku dhisan mid beeleed.
Ciidamo uu wato Cornel: Cabaas Gureey ayaa iyana qaab gooni u saftay, waxaana ay qabsadeen inta Badan Xarumaha Degmadaasi inkastoo Ciidamada Kale oo uu hogaaminayo Sarkaal magaciisa lagu sheegay Sahal uu cidamadiisa Banaanka ula baxay.
Cornel: Cabaas Gureey ayaa sheegay inay go’aan ku gaareen in la dilo Askarigii isku dayo inuu khilaafo Maamulka , waxaana uu intaas kusii daray in dagaal sanad ka hor Ceel waaq ka dhacay Askar badan looga dilay .
Si kasto Xaalka ayaa ah mid wali kacsan waxaana muuqanaya in Khilaafka labada ciidan uu yahay mid tagan iyadoona dadka deegaanka ay muujinayaan Cabsi dagaal.
Halkaan Hoose ka dhageyso Codka Cornel Cabaas
HALKAAN-RIIX-SI-AAD-U-DHAGEYSTO-CODKAA
Caasimada online
Xafiiska Ceel-Waaq