26.6 C
Mogadishu
Monday, July 7, 2025

DHAGEYSO: Baarlamaanka PUNTLAND oo Maanta la kala dirayo (Sabab)?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada online) Sida qorshuhu uu yahay waxaa Maanta lagu wadaa in lakala diro Baarlamaanka Puntland , kadib markii uu ka dhamaaday waqtigii loo id maday inay ka shaqeeyaan Maamulka Puntland .

Maanta oo ay Taariikhdu Ku beegan tahay 31-10-2013 ayaa ah Waqtiga ugu dambeya ee Shaqada Baarlamaanka Puntland waxaana lagu wdaa in isla maanta loo sheego inay shaqadoodi u dhamaatay sidaasi darteedna lakala fasaxo.

Maxamed Jaamac oo ah wariye ku sugan Gaalkacyo Ayaa warbaahinta u sheegay in Shaqada Baarlamaanka Puntland ay ku egtahay Maanta, waxaase uu sheegay inuu jiro walaac ku aadan in dib u dhac uu ku yaado howsha kala dirida Baarlamaanka .

Wuxuu sheegay in marka lakala dirayo la isugu Yeerayo Baarlamaanka, Xukkumada  Hey’adaha Cadaalada, kadibna Baarlamaanka loo sheegayo inuu waqtigoodii Dastuuriga ahaa uu ka dhamanaaday sidaasina ay ku kala dareerayaan.

Waxaa dhanka kale soconaya Sida uu Tilmaamay Xulista Xubnaha Cusub ee Baarlamaanka Puntland ka mid noqonaya taas oo ay ku howlan yihiin waxgaradka iyo Odayaasha reer Puntland.

Puntland ayaa laga sugayaa inay yeelato Hogaan Cusub ama midka iminka talada haya bilowga sanadka 2014-ka Xiligaas oo doorashada Madaxtinimada Maamulkaasi ay dhici Doonto.

Halkaan Hoose ka dhageyso  Wariye Maxamed Jaamac

Maxamed Jamac

Caasimada online

Xafiiska Garoowe

[email protected]

 

- Advertisement -

Read more

Local News