Xafiiska Hanti Dhowrka guud oo musuqmaasuq baahsan kusoo oogay Jawaari

Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ayaa daaha ka rogay musuqmaasuq ballaaran oo ka jira misaaniyadda Barlamaanka iyo hannaanka shaqaaleysiinta keddib markii dabagal iyo baaritaan lagu sameeyay sida loo maareeyay lacagtii loogu tala galay in lagu socodsiiyo hawlaha Barlamaanka.

Warbixinta Xafiiska Hantidhawrka oo Caasimadda Online ay la wadaageen qaar kamid ah baarayaashii hawshan loo igmaday ayaa warbiixntooda ku yiri “waxaa noo muuqday khaladaad muujinaya inaan la raacin sharciga maamulka iyo maaliyadda ee dalka ee lambarkiisu yahay 317.

Inkastoo warbixinta ay muujineyso lacago uu Guddoomiye Jawaari iyo Xogyahihiisa ay ku takrifaleen oo la xiriirtay lacagaha lagu maareeyo hawlaha xafiiska, qarash loogu talagalay daryeel xildhibaannada, lacagaha guddiyada joogtada ah iyo hannaanka shaqaaleysiinta ee Golaha Shacabka ayaa haddana waxa ay kusoo koobeen waxyaabihii ay arkeen dhawkan qodob;

1. Waxaa si khaldan loo isticmaalay lacagaha hawl maalmeedka (Running cost) oo laga bixiyo gunno shaqaale aan ka diiwaangashanayn Guddiga shaqaalaha Rayidka ah sida ay noo caddeysay Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda taasoo ka muuqata inaan loo raacin sharciga lambarkiisu yahay 317 ee 17/12/1962 qodobkiisa 6aad oo sheegaya inaan madax xige madax-xige kale lacagtiisa loo isticmaali karin.
2. Lacagaha daryeelka badankoodu wax dukuminti ah oo faahfaahinaya (supporting document) oo lagu qanci karo maleh sida warqadaha caddeynaya in xildhibaanku Baaris Caafimaad soo maray iyo xisaab celinta lacagaha ku baxay caafimaadkiisa.
3. Hay’adaha USAID, MAX PLAN iyo AWEPA wax heshiis ah lama galin Golaha Shacabka, haddana way wada shaqeeyaan, balse waxaa jira heshiis uu Golaha Shacabka la galay UNDP balse aan laga diiwanagelin Xafiiska Hantidhawrka Guud.
4. Waxaan aragnay in qofka Jeega ku qoran iyo qofka saxiixa in ay isku mid yihiin taasoo ka hor imaanaysa hufnaanta iyo isla xisaabtanka.
5. Gaadiidka Golaha Shacabka oo aan ku diiwaan gashanayn magaca Golaha Shacabka.

Warbixinta Hantidhawrka oo ka kooban 10 bog ayaa muujineysa in dhaqaale fara badan oo loogu tala galay Golaha Shacabka ah ay ku baxdo si khaldan waxaana lagu ogaaday in boqollaal kun oo Dollar la lunsaday taniyo 1dii Jannaayo 2016.

Xubno ka tirsan guddiyada joogtada ah ee Barlamaanka oo aan la hadalnay ayaa noo sheegay in kharashaadka guddiyada ee sanadkii 2017 la bixiyay hal bi loo qura, inta kalena ay farqaha ku shubteen Guddoonka Golaha Shacabka.

Waxaa jira guryo uu Guddoomiye Jawaari ka iibsaday magaalooyinka Muqdisho iyo Baydahaba kuwaasoo lagu dhisay dhaqaalihii Golaha Shacabka loogu tala galay.

Bil walba waxaa si khaldan loo maamuulaa lacagaha daryeelka xildhibaannada oo ah $25,000 (shan iyo labaatan kun), sahayda safar ee xildhibaannada shaqooyinka dibadda u aadaa oo dhan $40, 000 (afartan kun) iyo deeqaha ay hay’adaha ku taageertaan tayeynta shaqaalaha Barlamaanka, waxaana jira 15 baabuur oo aan wali loo diiwaangelin Golaha shacabka balse ay shakhsiyaad ka tirsan Golaha dano gaar ah ku fushadaan.

Warbixinta waxaa ku cad in shaqaalaha Golaha Shacabka oo ay tiradooda gaareyso 307 aysan lahayn gal iyo caddeymo muujinaya heerka aqoonta iyo qaabka lagu shaqaaleysiiyay. Shaqaalahaas intooda badan waxay isku jifo yihiin Guddoomiyaha Golaha Shacabka, qaarkoodna waxaa laga been sheegay heerka aqoontooda.

Daymaha lagu leeyahay Golaha Shacabka ayaa lagu sheegay in ay la egyihiin $730,383 (toddobo boqol iyo soddon kun, saddex boqol iyo sideetan iyo saddex) balse baaritaanka Xafiiska Hantidhawrka ayaa muujinaya in ay aad uga yartahay intaas. Baraayashaa ayaa warbixintooda ku caddeeyay in kharashaadka lagu leeyahay uu dhanyahay $369, 365 ( Saddex boqol lixdan iyo sagaal kun, saddex boqol lixdan iyo shan).

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sh Cismaan Jawaari iyo Xogyahaha Golaha Shacabka Cabdikariim Buux oo ay Caasimadda telefoonka kula xiriirtay ayey noo suurta geli weysay.

Faahfaahinta baaritaanka oo dhameystiran la akhriso lifaaqo hoos