Shiikh Shariif oo si la yaab leh uga hadlay Khilaafka ka dhex taagan xildhibaanada BF iyo xukuumadda

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa soo saaray warbixin uu kaga hadlayo xaaladda Siyaasadeed ee ka dhex taagan xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya iyo Xukuumadda uu hoggaamiye Xasan Cali Kheyre.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sh. Shariif ayaa madaxda dalka ugu sareyso ka codsaday inay gacmaha isku qabsadaan sidii dalka loo badbaadin lahaa isla markaasna looga fogaan lahaa Khilaaf kasta oo horseedi karo inaan gacmaheennu ku burburino dowladnimada Soomaaliya.

Shiikh Shariif ayaa ku baaqay in maanka laghu hayo dadaalkii dheeraa ee naf iyo maal lahaa ee loo soo maray in dib u dhisidda dowladnimada Soomaaliya.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso hadalka Shiikh Shariif kasoo baxay

“Waxaan ka digayaa go’aan kasta oo si khaldan looga gaaro khilaafka maanta u dhaxeeya madaxda qaranka, aniga oo ku talinaya in madaxdu ka fiirsato oo ay muujiso mas’uuliyad dheeri ah, taasi oo saameyn ku yeelan karta masiirka dalka “ayu si raaciyey Sheikh Shariif”

Hadalkaan ayaa kusoo aadayo Xilli Berri la filayo inuu Muqdisho ka dhaco kulan weli lagu muransan yahay ajandaha looga hadli doono iyadoo Xildhibaanada qaar ay go’aansadeen in Guddoomiye Jawaari loo qaado codka Kalsoonida halka kuwa kalana ay ku tashanayaa in laga hadlo Xaaladaha kasoo kordhay magaalada Beled Xaawo.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com