Gudoomiye Jawaari “Madaxweynaha waxa uu gabay Xilkii ka saarnaa Dastuurka”.

Muqdisho (Caasimadda Online) –  Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sh. Cismaan Jawaari oo soo saaray war saxaafadeed ayaa Caawa eedeyn dusha kaga tuuray Madaxweyne Farmaajo.

Guddoomiye Jawaari ayaa xusay in madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu gabay xilkii ka saarnaa Dastuurka.

Waxaa uu sheegay in Xildhibaanada ay xaq u leeyihiin inay is difaacaan, maadaama ay xarunta golaha shacabka la wareegeen ciidamo aan ka amar qaadan Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Halkaan hoose ka akhriso waraaqda kasoo baxay Guddoomiye jawaari oo uu saxaafadda u akhriyey Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Cawad.