Wasiir Xoosh oo Jawaari ugu laab qaboojiyay mooshinka iyo udiyaar garowga codka kalsoonida

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil oo qoraal kooban kusoo daabacay Bogiisa Facebook, ayaa ka hadlay qoraalada ay is dhaafsadeen Guddoomiye Jawaari iyo Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka C/wali Ibraahim Muudey.

Wasiir C/raxmaan Xoosh Jibriil, waxa uu sheegay in sharci ahaan Mooshinka laga wado Guddoomiye Jawaari uu yahay mid jira, isla markaana uusan burburin, marka dib loo eego sharciga.

C/raxmaan Xoosh Jibriil, waxa uu qoraalkiisa ku sheegay in 18-kii bishan March uu Guddoomiye Jawaari aqbalay Mooshinka inuu xalaal yahay, balse ay nasiib darro tahay in xiligaan uu muran galiyo.

Wasiir Xoosh, waxa uu tilmaamay in Jawaari iyo garabkiisa ay marmarsiyo ka dhiganayaan inuu dhamaaday Tobankii cisho ay u qabteen garabka Mooshinka kawaday, hase ahaatee ay ilooben in qodobka 9-aad ee xeer hoosaadka uu dhigayo in 10-ka cisho ay ka bilaabaneyso maalinta la horgeeyo Golaha.

Nuqul kamid ah qoraalka Wasiir Xoosh ayaa ahaa “Taariikhda markey ku asteysaneed Maarso 18-keedii wuxuu Jawaari si rasmi ah u aqbalay inuu Mooshinka xalaal yahay, Hadda wuxuu ku doodaa in 10-kii bari ee doodaa mooshinka dhamaatay’’

‘’Jawaari wuxuu iloobay Qodobka 9aad ee Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka Farqadda 4-aad iney leedahay 10ka bari waxeey billaabataa maalinta la hor geeyo Golaha, maalintaas oo ah Sabtiga Maarso 31’’

Waxa uu intaa kusii daray Xoosh “Xeer Hoosaadka Golaha ma dhahayo maalinta la guddoomay mooshinka. Tan kale farqadda 4aad waxeey ka hadleeysaa doodda mooshinka, meesha kaliya oo lagu dhex doodana waa Golaha ee Golahoon la horgeyn bannaanka Golaha loogama doodi karo arrintan”

Xoosh waxa uu sheegay in Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari laga doonaayo inuu muujiyo dulqaadkii uu ku aqbalay Mooshinka, waxa uuna sheegay in Xalaal uu yahay Mooshinka, marka loo laabto sharciga dalka.

‘’Jawaari yuusan ka weecan sharciga waxaan oran lahaa sharafta aad ku dhex leedahay bulshada yeysan maalin qura kaaga dhicin garwaaqso in Mooshinka kaayaala uu yahay mid xaq ah’’

Haddalka Wasiir Xoosh ayaa kusoo beegmaaya iyadoo shir uu Muqdisho ku qabtay Guddoomiye Jawaari uu ku sheegay inuu ku soo laabtay xilka Guddoomiyenimo ee Golaha Shacabka, Sabtidana uu jiro kulanka Baarlamaanka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com