Muudeey oo soo saaray warqad amar amni ah oo la xiriira kulanka berri iyo waardiyaha Jawaari iyo xildhibaanada

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Cabdiwali Ibraahim Muudey ayaa soo saaray warqad qoraal ah oo uu kaga hadlay xaalada ammaan ee kulanka berri ay yeelanayaan xubnaha Golaha Shacabka.

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo u kala qeybsan laba ayaa yeelanaya Sabtida kulan, iyada oo Jawaari iyo Muudey ay ku dhawaaqeen Ajendayaal kala duwan, oo kulanka looga hadlayo.

Warqada oo la ogeysiiyay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa loo kala diray Taliyeyaasha Booliska, Nabad Sugidda, Taliyaha Ilaalada Xarunta Baarlamaanka ee Ciidanka Midowga Afrika AMISOM.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in wax ciidan iyo hub aan lala soo geli karin agagaarka xarunta Baarlamaanka, gaar ahaan ilaalada Guddoonka Baarlamaanka iyo Xildhibaanadaba.

Warqada oo laba bog ka koobneyd waxaa kaloo lagu sheegay in ciidanka Booliska ay mas’uul ka yihiin ammaanka xarunta iyo agabka yaalla, waxaana berri laga cabsi qabaa in gacan ka hadal uu ka dhaco xarunta Baarlamaanka, marka loo eego sida hada ay wax u socdaan.