Xafiiska KHEYRE oo diiday in xisaab-xir lagu sameeyo xilli la la’yahay $18 milyan

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixinta baarista maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee sannad maaliyadeedka dhammaaday 31 December 2018, ee uu soo bandhigay hanti-dhowraha qaranka Maxamed Maxamuud Afgooye ayaa shaaca ka qaadday in ra’iisul wasaare Kheyre uu diiday inuu soo gudbiyo xisaab xirkii sanadii 2018.

Warbixinta ayaa lagu yiri “Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, sida laga rabo sharcigana uu qabo in uu soo gudbiyo xisaabaadka sannadka dhammaaday 31 December 2018 iyadoo la tix galinayo in ay ku haboon tahay Baarlamaanka, Illaa hadda wali xisaabaadka sannadka 2018 looma soo gudbin Xafiiska Hantidhawrka Guud si loo baaro.”

Hanti-dhowraha ayaa sidoo kale ku eedeeyey xafiiska Kheyre inuu hareer-maray sharciga.

“Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ma raacin sharciga. Maqnaanshaha xisaabaadka Xafiiska ee aan si wakhtiyaysan loo baarin, Waxaa laga yaabaa in Baarlamaanka uusan si wakhtiyaysan u gudan la xisaabtanka iyo kor joogtaynta dhinaca maaliyadda ee Xafiiska.” Ayaa lagu yiri warbixinta hanti-dhowraha.

Qoraalka ayaa intaas ku daray “Intaa waxaa dheer in Xafiiska uu ku guul daraysto mas’uuliyadaha la xisaabtanka iyo hufnaanta ee maamulka maaliyadda dadweynaha. Sidoo kale daldaloolada maamulka maaliyadda dadweynaha oo ay ka mid tahay khasaaraha maaliyadeed ayaa laga yaabaa in aan si wakhtiyaysan loo ogaan si talaabo ku haboon looga qaado.”

Sidoo kale lacago boqolaal kun oo dollar ah ayaa ku maqan xafiiska Kheyre sida ay shaaca ka qaadday warbiixnta.

“Lacagaha loogu talagalay socdaalka oo dhan US $403,333.37 ee bilaha January illaa November 2018 ah ayaa la isticmaalay iyada oo aan lagu xirin caddeymo dhammaystiran. Lacagahan ayaa la siiyay dad kala duwan, shirkad wakiil duulimaad (Travel Agency) iyo hoteello.” Ayaa warbixinta ay shaaca ka qaadday.

Qoraalka ayaa intaas sii raaciyey “Lacagahaas ma lahayn wax caddeymo dhammaystiran oo laga rabay sida: (a) dalabka iibka ama codsiga iibka, boarding passes-ka lagu safray, (c) wax caddeyn ah ogolaanshaha safarada la galay, (d) qaansheegta ama rasiidka adeeg bixiyaha, (e) Isla xisaabtan la ansixiyay ee dhinaca socdaalka la galay, iyo (e) magacyada iyo saxiixa dadka lacagaha habeen dhaxa la siiyay.”

Warbixinta waxay tiri “In lacag bixintaas qaarkeed loo sameeyay safarro aan la aadin, ama; in lacag bixinnadaas qaarkood lagu sameeyay khaladaad ama qiyaamo loo qasday taas oo u keenaysa Dowladda Federaalka Soomaaliya khasaaro maaliyadeed.”

Qoraalka ayaa sidoo kale shaaciyey “Qaar ka mid ah adeega hubinta kharashaadka ee XRW waxaa lagu isticmaalay habraac dhinac marsan SFMIS oo lagu dalbaday adeeg iyo hawlo, iyadoo la garab maray hubinta adeega kharashaadka (commitment control).”

“Xafiiska ra’iisul wasaaraha ma hayn wax caddeymo ah oo ku aadan lacagaha adeega kharashaadka aan la bixin sannadkii dhammaaday. “ ayaa lagu yiri warbixinta oo intaas ku dartay “Ma jirin wax caddeymo ah in XRW uu sameeyo dib u eegis joogto ah oo la xiriira lacagaha adeega kharashaadka aan la bixin.”

Waxaa jira khatar ah in Xafiisku galay lacago aan la bixin oo aan si dhow loo dabagalin sidoo kalana aan

Shaxda hoose waxaa ka muuqda 5 heshiis oo uu xafiiska ra’iisul wasaaraha galay dhinacyo kale sannadkii 2018 kuwaas oo aan laga soo diiwaan galin Xafiiska Hantidhawrka Guud, kuwaas oo ahaa: –

Go’aanka xafiiska ra’iisul wasaaraha uu ku diiday inuu soo gudbiyo xisaabaadkii sanaddii 2018 ayaa imaneysa ayada oo 18 milyan oo dollar oo ka mid ah deeqihii dowladda ay ka heshay caalamka aysan jirin meel lagu sheego.

Sidoo kale 20 milyan oo dollar oo laga helay dowladda Turkiga ayaa lagu shubay banki dibadeeda, ayada oo aysan jirin qaab loo raaco ama loo baaro iyo cidda lacagtaas maamuleysa.

Halkan hoos ka aqriso warbixinada hanti-dhowraha oo dhameystiran.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com