Xafiiska QM ee Somalia oo shaaciyey in qof kale oo ka mid ah laga helay Covid-19

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska QM ee Soomaaliya ee UNSOM ayaa xaqiijiyey in qof kale oo ka mid ah qandaraasleyaasha la shaqeeya laga helay cudurka Coronavirus. Waa qofkii labaad ee la shaqeeya UNSOM ee cudurkan laga helay.

Qoraal kasoo baxay UNSOM ayaa lagu sheegay in qofka uu shaqaale ahaan ugu diiwaan-gashay shirkad ka howl-gasha garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho.

Qoraalka ayaa intaas ku daray in qofkan uu Muqdisho soo galay bartamihii bishii March, balse islamarkii uu diyaaradda kasoo degay la karantilay kadibna baaritaan lagu sameeyey lagu helay cudurka.

Inkasta oo bayaanka QM lagu sheegay in wasiirka caafimaadka Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur ay ku dhowaaqday kiiskan cusub, haddana ma jiro war rasmi ah oo dowladda Soomaaliya weli kasoo baxay oo la xiriira kiiskan.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa shalay lagu xaqiijiyey in laba kiis oo cusub oo ah dad qaba xanuunka Coronavirus laga helay magaalada Muqdisho, taasi oo tirada magaalada ka dhigeysa 5 qof, iyo 7 guud ahaan Soomaaliya, marka lagu daro labada kiis ee Somaliland.

Wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in labada qof ee kiiska laga helay ee Muqdisho ay kala yihiin qof muwaadin Soomaaliyeed ah iyo ajnabi ku sugan caasimada. Ma cadda in qofka ajanabiga ah ee shalay wasaaradda ay sheegtay uu yahay midka ay ka hadleyso QM, ama in midkan ay sheegtay QM uu yahay mid cusub.