Wasiir Khadiija Diiriye oo si weyn uga hortimid qorshe ay damacsan tahay DF

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka dhallinyarada iyo Cayaaraha Xukuumadda Soomaaliya Khadiija Maxamed Diiriye ayaa si weyn uga hor timid qorshe ay Dowladda Soomaaliya ka damacsan tahay inay ka fuliso garoonka Kubadda Cagta ee Muqdisho Stadium.

Guddiga Heerka sare ee ka hortagga cudurka sida weyn ugu faafaya Adudunyada ee COVID-19 ayaa sheegay in garoonka Muqdisho Stadium lagu karantiili doono ciidamo loo soo tababaray Dowladda Soomaaliya oo laga keeni rabo Sacuudiga iyo dalka Jabuuti.

Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha ayaa sheegtay inay tallaabadaas tahay mid aad u qaldan oo aysan marnaba aqbali doonin, iyadoo guddiga ugu baaqday inay dib isugu laabtaan.

“Guddiga heerka sare ee ka hortagga Carona (Covid-19) aad iyo aad beey idiinka qaldan tahay ee dib isugu laabta,” ayey tiri.

Wasiir Khadiija ayaa sheegtay in Garoonka cayaaraha ee Muqdisho Stadium aan loo cayimin xarunta karantiilka Dowladda, iyadoo arrintaas ku tilmaamay inay tahay xadgudub lagu sameeyey shaqada ay Dowladda u heyso.

“Garoonka Ciyaaraha Muqdishana ma ahan goob loo cayimay xarun karantiilka Dowlada waana xadgudub shaqooyinka ee hala joojiyo”

Sidoo kale, waxay sheegtay in Stadium Muqdisho ay waar-diyeeyaan boqolaal ka tirsan Ciidamada Booliska Dowladda, sidaas darteedna aysan noqon karin goob lagu karantiilo dadka looga shakiyey cudurka Caronvirus.

“Tan 2-aad Stadium Mogadishu boqolaal ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ah ayaa waar-diyeeya,  sidoo kale boqolaal kale oo dhallinyaro ah ayaa ka wada howlo dayactir iyo dib u dhis ah, sidoo kale ajaaniib aan u keenay howlaha garoonka oo ku xaadiraya maalin kasta mana noqon karto goob karantiil horayna nalooma weydiinin” ayey hadalkeeda kusoo gabagabeysay.

Weli madaxda ugu sareeyo dalka kama aysan hadlin khilaafka ka dhex qarxay Wasiir Khadiija iyo Guddiga Heerka sare ee ka hortagga COVID19, waxaana Wasiir Khadiija loo arkaa inay tahay mid kamid ah wasiirada ugu awoodda badan Xukuumadda Ra’isulwasaare Xasan Cali Kheyre.