Suldaanka Somaliland oo ku dhowaaqay: “Waa muqadas midnimada Soomaaliya”

Hargeysa (Caasimada Online) ―  Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland, Suldaan Maxamed Cabdiqadir oo markii u horeysay ka hadlay Wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland, ayaa sheegay in midnimada umadda Soomaaliyeed ay tahay muqadas.

Suldaanka ayaa sheegay in marnaba ay kala maarmi karin Soomaalidu, dhibaato kasta oo soo kala dhex-gasha, isla markaana ay waajib tahay in dib loo furo wada-hadalada DF iyo Somaliland.

Sidoo kale waxa uu suldaanku sheegay in Odayaal dhaqameedku ay leeyihiin go’aanka masiirka bulshada, maadama ay ka talinayaan samaha umadda, ayna waajib tahay in laga qeyb galiyo wada-hadaladaasi.

Suldaanka ayaa waxa kale oo uu fariin adag u diray dadka u ololeynaya kala goynta umadda, isagoona xusay inay dad wada dhashay yihiin Somaliland iyo Soomaaliya, balse ay siyaasada isku qabteen Niman gaar ah oo bulshada reer Somaliland ka madax-banaan.

Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland, Suldaan Maxamed Cabdiqadir oo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yiri “Ma xukuumada unba kali isaga dhigaysa wada-hadalada, anigu waxaan qabaa in wixii siyaasada ay ka hadli karaan odayaasha dhaqanku”.

“Anigu waxaan leeyahay Salaadiinta yaan laga tagin ee wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland halagu soo daro, cidna nagama mamnuuci karto wada-hadalada, waxaana ka codsaneyna xukuumada inay nagu soo daraan wada-hadalada labada dhinac”.

“Umadda Soomaaliyeed ma kala maarmeyso meelkasta oo ay kala joogaan, dhibaato kastoo ku kala dhex timaada, waxaana diyaar u nahay inaan si fiican uga qeyb qaadano wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland”.

Wuxuuna intaas kusii daray Suldaanku “Dadka madax-dhaqameedka ayaa xukuma oo ay u dhago nugul-yihiin, markaa madax dhaqameedka haddii loo dhago nugulyahay waxay soo dhaweeyaan wax wada qabsiga umadda markii horeba Soomaaliya isku aheyd”.

“Maanta ninka yidhi waan ka maarmay been buu sheegaya oo Soomaali ma kala maaranto, markaa waxan leeyahay wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland waa muqadas aan la dafiri karin”.

Xukuumada Somaliland oo daba socota hadalka Suldaanka ayaa shalay sheegtay inay ‘talaabo sharci ah’ ka qaadeyso Suldaanka guud ee Somaliland iyo Odayaal dhaqameed kale oo ka hadlay wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland.

Waxayna xukuumada Muuse Biixi la xiriireysay baaqyada Odayaashaasi dhaqanka qorshe ay sheegtay inay dabada ka riixeyso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.