Masjid ku yaalla Muqdisho oo uu ka furmay shirweyne

Muqdisho (Caasimada Online) – Shalay oo Jimco waxaa si hor dhac ah loo furay shir weyn oo ay isugu imaanayaan culumada Tabliiqa, kaas oo muddo dheer kadib lagu qabanayo Masjidka Alhidaaya oo ku yaalla degmada Heliwaa ee gobalka Banaadir.

Masjidkaan oo shirarka nuucaan ah caan ku ah ayaa waxa uu marti gelinayaa culumo Tabliiq ah oo Soomaali ah, waxaana ka qeyb-galaya Soomaalia ka yimid gobollada dalka iyo meelo kale oo caalamka ah.

Shacabka Muqdisho ayaa is weydiiyay dowladda Soomaaliya maka warqabtaa shirkaan mise ma heysato wargelin maadaama uu ka dhacaayo waqooyiga magaalada oo ah xaafadaha aysan ku xooganeyn dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale shacabka ayaa qaba in culumada qaarkood ay ilaa hadda lug ku soo galayaan dalka islamarkaana ay ka yimaadeen dalal kale taasina ay keeni karto faafida cudurka iyo waxay dowladda Soomaaliya kala socoto socdaalkooda.

Culumada Tabliiqa oo ah kuwa safarkooda uu badan lug kolba gobal ama magaalo u taga faafinta aragtidooda ayaa aad ugu badan Soomaaliya inkastoo sanadihii ugu dambeeyay ay sii yaraanayeen waxaana ugu wacnaa amni darrada dalka.

Masjidkaan ku yaalo degmada Heliwaa ee Alhidaaya ayaa kamid ah masaajida waa weyn ee Muqdisho waxaana dhowr jeer sidaan oo kale lagu qabtay shirar nuucaan oo kale ah waxaana xiligii Itoobiyaha ka dhacay dilal iyo dhibaatooyin loo geestay culumo iyo dad kale.

Sidoo kale waa masjidka ugu weyn ee Tabliiqa ay ku leeyihiin Soomaaliya, waxaana isugu yimaada culumada Tabliiqa oo dhan ee dalka.

Dhowaan ayaa shirweyne ee Tabliiqa ku yeesheen magaalada Delhi ee dalka India, waxaa lagu eedeeyey inuu sababay in cudurkan uu si xooggan u faafo kadib markii dadkii shirka ka qeyb galay ay is-qaadsiiyeen, kadibna deegaano kale kusii fidiyeen kadib shirka.

Sixid: Warkan waxaa laga saxay oo laga reebay qeyb loo arki karay in culimada shirka ka qeyb-galeysa qaarkood ay yihiin ajaaniib. Balse waxa uu shirka u furmay badankood waa culimada tabliiqa Soomaaliya.