24.7 C
Mogadishu
Thursday, January 15, 2026

Xafiiskii Bahlaawi oo la jabiyey iyo Shaqaalihii keydka Radio Muqdisho oo furayaasha laga qaaday

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimadda Online) –  Wasiirka Warfaafinta Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta amar ku bixiyey in ka jabiyo xafiiskii uu ku shaqeenayey agaasimihii Wasaaradda Warfaafint Bahalaawi oo uu dhawaan wasiirka Shaqo joojin ku sameeyey.

Wasiirka Warfaafinta ayaa musuq maasuq ku eedeeyey Bahlaawi, wuxuuna amray Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo hanti dhowraha qaranka in baaritaan lagu sameeyo agaasimaha, wuxuuna ka dhawaajiyey in shaqo joojin lagu sameeyey tan iyo inta ay ka dhamaaneyso baaritaanada waxyaabaha lagu eedeeyey.

Haddaba iyadoo ay arrintaas socoto ayaa maanta lagu baraarugay in la jabiyey xafiiska Bahlaawi waxaana fadhiistay Cabdiraxmaan Al-Cadaala midaas oo lagu tilmaamay inay tahay sharci darro.

Sharci yaqaanada ayaa sheegay inay qalad tahay in qof baaritaan ku socdo la jabiyo xafiiskiisa, taasoo keeni karto in laga qaato Documentiyo ama in lagu soo daro Documentiyo cusub oo lagu eedeenayo.

Waxaa laga war sugayaa go’aanka ay makamadda Gobolka Banaadir iyo hafiiska Hanti dhowraha ka qaataan arrinta uu maanta ku dhaqaaqay wasirka Warfaafinta ee ah jabinta xafiiskii uu lahaa eedeysanaha lagu soo eedeeyey inuu sameeyey musuq maasuq.

Sidoo kale waxaa furihii si xoog ah looga wareejiyey  laba oday oo muddo badan kasoo shaqeyn jiray Wasaaaradda Warfaafinta isla markaasna hayey furaha keydka Radio Muqdisho, waxaana magacyadooda lagu kala sheegay:

  1. Abshir Xaashi Cali, Keedka Radio Muqdisho
  2. Maxamed Isaaq Mursal

Wixii warar ah ee kusoo kordha arrinta maanta ka dhacday Xarunta Wasaaradda Warfaafinta, sidoo kalana waan idiin soo gudbin doonaa waxa ay ka dhahaan xafiiska Hanti dhowraha iyo Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET

- Advertisement -

Read more

Local News