Muqdisho (caasimadda Online) – Dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmajao ayaa ku dhow inay gasho boqolkeedii maalin ee ugu horeysay oo ay uga dhiman tahay muddo 10 Berri ah, waxaana muuqato inuu madaxweynaha qabtay wax qabad u qalma maalimihii uu shaqada hayey.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa horey u ballan qaaday markii la dooranayey inuu wax badan soo bandhigi doono 100-ka maalin ee ugu horeyso, waxayna aheyd mid ay wada sugayeen umadda Soomaaliyeed.
Caasimadda Online ayaa idiin soo gudbineyso Todob ka mid ah waxqabadka Farmaajo ee 100-ka maalmood, oo aadan ka war-hayn, waxayna yihiin todobo waxyaabood oo si weyn looga abaal heyn doono Farmaajo oo u muuqdo inuu yahay Madaxweyne ka wax qabad fiicnaan doono madaxdii hore ee dalka soo martay.
- Dowladda Farmaajo ayaa xoogga saartay sidii shaqaalaha dowladda si joogta ah loo siin lahaa mushaaraadkooda, midaasna waxay noqotay tallaabo weyn oo ay ku guuleysatay weliba ay kaga fiicnaantay madaxdii hore u soo martay dalka oo uu ugu dambeeyey Xasan Shiikh Maxamuud kaasoo shaqaalaha dowladiisa ay ku lahaayeen 7 bilood oo mushaar ah, waxaana hadda dhab noqotay ballan qaadkii Farmaajo ee ahaa inuu si joogta ah u bixin doono mushaarka shaqaalihiisa, wuxuuna hadda ku guuleystay inuu bixiyo 4 bil oo xiriir ah.
- Madaxweyne Farmaajo boqolkii maalmood ee ugu horeysay dowladiisa wuxuu ka shaqeeyey in dib loo soo celiyo sharaftii iyo magaciii ay Soomaaliya ku laheyd dunida, waxaana hadda muuqato in Soomaaliya meel kasta si weyn loogu soo dhaweenayo.
- Farmaajo ayaa boqolkii maalmood ee ugu horeysay dowladiisa soo magacaabay Ra’isulwasaare Kheyre oo isna soo magacaabay Wasiiro ay ka go’an tahay inay shaqadooda si xalaal ah u gutaan isla markaasna ay ka muuqato inay yihiin wasiiro u diyaarsan shaqadooda.
- Dowladda Farmaajo ayaa ku guuleystay inay xiriir wanaagsan la yeelato Hay’adaha Bankiga Adduunka iyo Lacagta Adduuka si deymaha looga cafiyo Soomaaliya, waxaana shirkii London iyo midkii Carabta Soomaaliya looga cafiyey deymo badan.
- Dowladda Farmaajo ayaa ku guuleysatay in xafiisyada dowladda laga shaqeeyo waqtiga uu farayo dastuurka, waxayna midaas noqotay amaantii ugu weyneyd ee loo soo jeediyey dowladda Farmaajo, waxaana shaqada dowladda la gala 8:00Am iyadoo laga soo baxo 4:00Pm.
- Waxaa dowladda Farmaajo meel dhexe u marayo qorsho lagu doonayo in dib loogu dhiso ciidamadii Soomaaliyeed iyo amniga qaranka, waxaana Muqdisho kulan ku wada yeeshay mamul Goboleedyada iyo dowladda dhexe iyadoo lagu heshiiyey qorshahaas ay dowladda soo bandhigtay, sidoo kalana waxaa arrintaan si weyn usoo dhaweeyey beesha Caalamka intii uu socday shirkii London lagu qabtay.
- Dowladda Farmaajo ayaa si cad ugu sheegtay dowladaha Itoobiya iyo Kenya inay fara gelinta ka dhaaf Soomaaliya isla markaasna aysan si toos ah ula hadlin Madaxda Maamul Goboleedyad, waxaana lagu amray inay wax kasta soo ogeysiiyaan dowladda dhexe.

