Muqdisho (Caasimadda Online) Dowladda Soomaaliya ayaa maanta si nasiib ah u heshay qalab casi ah oo si lama filaan ah uga soo dagay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, waxayna go’aansatay inay la wareegto qalabkaas oo si khalad ama farsamo xumo ah usoo gaaray Muqdisho.
Qalabkaan ayaa u rarna Hey’adda ICAO oo adduunyada u qaabilsan Duulimaadka, waxayna u waday Xafiiskeeda Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana dhacday in si lama filaan ah looga soo dajiyo garoonka diyaaradaha Muqdisho, wuxuuna isla markiiba u gacan galay dowladda Federaalka Soomaaliya.
Qalabkaan ayaa ku jira saddex Konteenar oo saarnaa diyaarad , waxaana si lama filaan ah looga war helay markii laga soo dajiyey garoonka diyaaradaha, lamana ogo sida ay dowladda ugu suurtag geli karto inay sii heysato qalabkaan casriga ah.
Qalabkaan ayaa lagu doonayey in Hawada Soomaaliya looga maamulo Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxayna madaxda Hey’adda ICAO Dowladda Federaalka ka dalbadeen in ay Qalabkaas u soo gudbiso Nairobi.
Dowladda Soomaaliya ayaa ka biyo diiday inay wareejiso qalabkaan ay gacanta ku dhigtay, waxaana hadda jiro khilaaf weyn oo aan la qiyaasi karin halka uu kusoo dhammaan doono.
Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dhistay Xarunta Maamulka iyo Koontaroolka Hawada Soomaaliya taas oo hadda aanay cidna ku shaqeyn oo haawaneysa iyadoo shaqaalahii loogu talogalayna ay diyaar yihiin.
Qalabka la isku heysto iyo qaabka maamulka hawada Soomaaliya oo muddo dheer lagu guul darreystay in Soomaaliya ay la wareegto ayaa mar kale noqday arrin soo shaac baxday xilligan ay dowladda Farmaajo talada heyso.
Waxaa ilaa hadda dowladda Soomaaliya iyo Hey’adda ICAO u socdo wadahadal, waxayna dowladda go’aan ku gaartay inaysan qalabkaas wareejin oo ay iyada ku shaqeyso, maadaama ay iyada mas’uul ka tahay hawada Soomaaliya.
Mar aan xiriir la sameynay hey’adaha dowladda oo ay arrintaas khuseyso ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan qalabkaan casriga ah ee gacanta lagu dhigay, wixii warar ah ee kusoo kordha waan idinla soo socodsiin doonaa Inshaa Allah.

