R/W Xaamza iyo wasiiradda oo go’aaminaya marxaladda deyn-cafinta kadib

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa galabta shir-guddoomiyay kulan muhiim oo looga hadlayay jiheynta dhaqaalaha dalka marxaladda deyn-cafiska kadib.

Shirka Golaha Wasiirada ayaa lagu soo bandhigay talo-bixin ay sameeyeen Golaha Dhaqaalaha Qaranka, oo ka kooban lix qodob oo taabanaya qorsheyaasha muhiimka ah ee hanaanka maaliyadeed ee dalka.

Qorshayaashan ayaa kala ah midka horumarineed, sare u qaadidda maamulka maaliyadda oo ay ka mid yihiin sare u qaadidda dakhliga, xakameynta kharashaadka iyo isu-dheellitirka miisaaniyadda, maareynta deymaha, hufnaanta iyo isla xisaabtanka, nidaaminta shuruucda iyo siyaasadaha ganacsiga dalka iyo xoojinta siyaasadda lacagta ee kaalinta Bangiga Dhexe.

Ra’iisul Wasaare Xamza oo bogaadiyay marxaladda uu marayo hannaanka deyn-cafiska Soomaaliya ayaa sidoo kale waxa uu awaamiir siiyay wasaaradaha iyo hay’adaha ku lugta leh arrintaas.

Wasaarradaha iyo Hey’adahaas ayuu faray inay dardar-geliyaan waajibaadka ka saaran dhameystirka qorsheyaasha marxaladda deyn-cafinta kadib.

Golaha Wadatashiga Qaran ayaa kulankii u dambeeyay ee Muqdisho ku yeesheen ayaa heshiis looga gaaray kamid ah “marxaladda ka dambeysa deyn cafinta Soomaaliya”.

Madaxda Golaha Wada-tashiga Qaranka ayaa xilligaas isla qaatay in la dejiyo qorshe lagu dardar-gelinayo maareynta marxaladda ka dambeysa deyn cafinta dalka, iyada oo la xoojinayo wada-shaqeynta hay’adaha maaliyadda iyo adkaynta hufnaantood.

Madaxda ayaa sidoo kale markaas isla gartay in qorshaha deynta cusub looga qaadanayo dalalka deeqaha bixiya iyo hay’addaha caalamiga ah lagu saleeyo mashaariic isbixin kara si dib loogu gudo deyntaasi, taasi oo qeyb ka ah qorshaha ay Soomaaliya ku dalbaneyso deyn cusub oo balaayiin dollar ah.

“Goluhu wuxuu isla gartay in deymaha dalka uu mustaqbalka qaadanayo ay noqdaan deymo u adeegayo horumarinta dhaqaalaha dalka oo la gelinaayo mashaariic is bixin kara, loona qoondeeyo si isku dheelitiran, loona maamulo si hufan, isla markaasna aan culeys deymo saari doonin jiilalka Soomaaliyeed ee mustaqbalka.”

Si kastaba, arrimahaan ayaa imanaya xilli uu si habsami leh u socdo barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya, islamarkaana la qorsheynayo in dowladda ay qaadato deyn boqolaal bilyan oo dollar ah.