Xamza oo berri hortagaya BF kadib isbeddel ku yimid magacaabistii wasiirada

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoonka Golaha Shacabka ayaa maanta Xildhibaanada u diray farriin qoraaleed loogu sheegayo in maalinta berri ah uu jiro kulan uu ajandihiisu yahay codsi ka yimid Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre.

Qoraalka kasoo baxay Guddoonka Golaha Shacabka ayaa lagu sheegay in kulanka berri oo Isniin ah ka qabsoomi doono xarunta Golaha Shacabka ee Villa Hargeysa, marka saacadu tahay 9:00 Subaxnimo.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa codsanaya in 10 maalmood oo dheeraad ah la siiyo oo uu kusoo dhiso Golahiisa Wasiirada, maadama maalinta berri ah ku egtahay 30 maalmood oo ahaa mudada uu u haystay inuu Gole Wasiiro kusoo dhiso.

Kulanka Golaha Shacabka ee berri ayaa sidoo kale imanaya xili ay xalay kulan wada-jir ah yeesheen Madaxweyne Xasan Sheekh, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe iyo Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, kaas oo diiradda lagu saaray dhismaha xukumadda cusub.

Ilo wareedyo ku dhow kulankaas ayaa Caasimada Online u sheegay in madaxdu ay isla meel dhigeen in Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre uu codsado 10 maalmood oo dheeraad ah.

Mudadaan uu codsaday wuxuu Ra’iisul Wasaaruhu sii wadayaa la tashiyadiisa ku aadan dhismaha xukuumad tayo leh, waxayna Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha baarlamaanku la qaateen Xamza qorshihiisa mudo dheereysiga ah.

Inkastoo aysan dastuuri aheyn in 30 cisho lagu soo dhiso xukuumadda, hadana waa sunno siyaasadeed oo Soomaalidu leedahay, waxayna maalmahaas Ra’iisul Wasaaraha u bilowdaan markii la ansixiyo, waana dhaqan soo jiray ilaa xornimadii Soomaaliya.