Xamza oo xubnaha DF uga digay inay qeyb ka noqdaan arrin ka taagan Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa si adag uga hadlay xaaladda amaan ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan isku dhacyada ciidan ee inta badan ka dhaca baraha koontaroolada.

Xamza ayaa waxa uu sheegay in masuuliyiinta dowladda ay sabab u yihiin isku dhacyada ciidan ee baraha koontaroolada magaalada Muqdisho ka dhaca, kuwaasi oo aanan u hoggaansamin awaamiirta ciidanka amniga ee ku sugan barahaasi.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga digay masuuliyiinta dowladda iyo saraakiisha sare ee ciidanka inay ka horyimaadan awaamiirta ciidanka amniga ee ku sugan baraha koontaroolada.

“Masuuliyiinta dowladda waxaan leeyahay u ogolaada ciidanka amniga iney waajibkoda gudtaan, hadad masuul tahay mahan inad wax kale tahay, askartu adigey ku ilaalinayaan gurigada iyo ilmahada ayay ilaalinayaan suurta-gal mahan sidee lee istaajin kara inaad dhahdo,” ayuu yiri.

“Saraakiisha Millateriga ayagana sidoo kale mahan iney dhahan gaari baroon ah baa ila socda cid i istaajin karta maleh, xukuumadda sharciyo adag ayay kasoo saari doonta arimahas oo fowdo ku ah amniga.”

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in askari kasta oo gabood fal ku sameeya shacabka la marin doono ciqaabta ugu adag ee sharciga, isaga oo xusay in haatan ay xiran yihiin askartii ku lugta laheyd dhibaatooyinkii dhawaan ka dhacay Muqdisho, islamarkaana la horkeeni doono caddaalada.

Amaanka magaalada Muqdisho ee caasimada dalka ayaa muddooyinkii dambe faraha kasii baxayay, ayada oo ay ka dhaceen dilal, dhac iyo iska hor-imaadyo ciidamada dhexdooda ah, kuwaasi oo sababay dhimashada shacab badan.