Beesha Habar-gidir oo ka cabaneysa 7 xil oo uga maqan DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Toddobaadkii dhamaaday laba beelood ayaa siyaabo kala duwan ugu shiray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, kuwaasi oo labaduba qaba tabashooyin la xiriira xilalkooda dowladda dhexe.

Mid kamid ah labadan beelood waa mid iyada lagu eedeynayay maalmihii lasoo dhaafay inuu u roonaaday madaxweyne Xasan Sheekh. Xildhibaanada labada Aqal iyo wasiirada beesha hoggaamisa maamulka Galmudug ayaa dhawaan ku shiray magaalada Muqdisho.

Iyada oo ay beeshaas muddo la kulmeysay eed ah in wax walba oo dowladda dhexe ah inuu Xasan Sheekh iyaga siiyay, ayay dhinaca kale keeneen dood ah in iyaguba dulmisan yihiin.

Waxay miiska soo saareen illaa 7 xil oo iyaga uu madaxweyne Xasan Sheekh ka qaaday oo uu beelo kale siiyay iyo 2 xil oo uu soo kordhiyay.

Doodda tirsiga waxaa laga saaray kuraasta ay hore ugu fadhiyeen ee isla qof iyaga ah lagu soo celiyay, tusaale; Hanti-dhowraha Qaranka oo qof iyaga ah laga qaaday oo isla qof iyaga ah lagu bedelay.

Xubnaha kulanka ka qeyb-galay ee aan la hadalnay waxay sheegeen in dowladda Xasan Sheekh ay ka qaaday; Xoghayihii joogtada ahaa ee wasaaradda arrimaah dibadda, Guddoomiyihii guddiga doorashooyinka Qaranka, Guddoomiyihii maxkamadda gobolka Banaadir, Madaxii furdada dekedda Muqdisho, Guddoomiyaha degmada Waaberi
iyo Agaasimayaal heer gobolka Banaadir iyo heer dowladda dhexe ah.

Dhinaca kale waxay isku sheegeen inuu Xasan Sheekh usoo kordhiyay hal Wasiiru-dowle iyo Taliyaha NISA oo kaliya. Doodoodda waxaa kasoo baxday in iyaga wax ka maqan yihiin oo ay tahay inay madaxda sare kala fadhiistan.

Waxaa naloo xaqiijiyay inay ballamo ka qabsadeen madaxweyne Xasan Sheekh iyo Taliyaha NISA Mahad Maxamed Salaad, si looga doodo waxyaabaha dowladda uga maqan reerkaas.

Xilalkii ay xilligii Farmaajo haysteen wax ka yar inay hadda haystaan oo xilal badan laga wareejiyay, ayna dhinaca kale haysato eedeyn been abuur ah, haddana ay tahay inay doodoodda furaan ayuu kulankaas kusoo dhamaaday.

Shir kale oo muhiim ah oo Muqdisho ka dhacay, isagana waxaa yeeshay Xildhibaanada labada Aqal ee beesha hoggaamisa maamulka Koonfur Galbeed.

Shir laba maalin qaatay kadib waxay xildhibaanada labada Aqal ee reer Koonfur Galbeed ay sheegeen inay ku qadsan yihiin dowladda dhexe, lana qalday saami-qeybsiga.

Waxay madaxda sare ee dalka ugu baaqeen in deg deg loogu laabto hanaanka loo qaabeeyay xilalka dhexe, kuwa hoose iyo taliyayaasha ciidamada, haddii kale ay tallaabo qaadi doonaan.

Balse madaxweyne Xasan Sheekh oo Kismaayo ka hadlay ayaa duray shirarka beeluhu ku yeesheen Muqdisho iyo Nairobi ee ka dhanka ah sida ay wax u qeybineyso dowladdiisu.