Xaqiiq naga qarsaneyd oo ku saabsan mucaaradka DF oo aan ogaanay Isniintii

Waxaa isniintii cod gacan taag ah oo aan geed isku qaris lahayn lagu ansixiyey hinside Xukumadda Nabad iyo Nolol u soo gudbisay Golaha Shacabka si wax looga badalo qodob u diidayey Bankiga Dhexe in qof ajnabi ah loo dhiibo.

Qodobka waxaa si weyn uga soo horjeeday oo cod dheer ku diidanayaa kooxihii awalba mucaaradsanaa maamulka Nabad iyo Nolol.

Taas oo ay jirto, codbixintii gacan taagga ahayd ee isniintii waxaa sida ay Xukumadda dooneysay qodobka in wax looga bedelo ugu codeeyey 158 halka ay diideen 17.

Ogow, kaamirada waxa ay qabaneysay shaqsiyaad aad caan ugu ahaa difaacidda Nabad iyo Nolol kuwaas oo qaraarkan diidmadooda ku xoojiyey xubnihii dowladda wax walba ku diidi jiray!

Maxaan ka baran karnaa wixii golaha ka dhacay isniintii?

Hore lama ogeyn awoodda Nabad iyo Nolol ku leedahay Golaha Shacabka walow ay xogaa soo cadaatay xiligii Mooshinka Madaxweynaha ka dhanka ah socday kaddib kulan dhoolatus ah oo ay SYL ku qabsadeen.

Hase ahaatee, in si bareer ah oo walib gacan taag ah sharci Nabad iyo Nolol dooneysay oo bulshada qaar ka biyo diidsaneyd loogu hor ansixiyo oo ay xildhibaanadii mucaaradka ka ahaa qaar imaan waayaan, qaar gacant taagaan waxa ay bannaanka soo dhigtay in Nabad iyo Nolol awood aan caadi ahayn ku leedahay Golaha Shacabka.

Waxa ay sidoo kale muujineysa in marka laga soo tago 10-ka xildhibaan ku dhow ee caanka ah ee mar kasta warbaahinta ama baraha bulshada ka hadla, ay mucaaradka xukuumadda aad u yar yihiin, taasi oo ah xaqiiq dad badan aysan fahamsaneyn.

Waa xaqiiqo, 60 ka badan waa Wasiiro kalfhigan oo hore u soo ansixiyey gacantu u taagneyd! Hadana waxaa meesha ka baxay boolo xooftadii xildhibaanada Facebook-ga inta badan lagu arko oo isu muujiya kuwo Golaha wax ku dhex diidi kara! xagey aadeen, ma tiradooda ayaa intaas le’eked? Waa su’aalo jawaabo u baahan!!

W/Q: Safiya Cabdullaahi Garaad
Muqdisho, Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid