Xaqiiqooyin yaab leh oo ku saabsan musharaxiinta madaxweynaha

Abla-ableynta musharixiinta madaxweynaha

Liiska Musharixiinta dhawr sheey ayaa iiga baxay, 13 ka mid ah waa isku beel, 8 ka mid ah ayaa jufo hoose isla sii ah, 11 kale iyaguna waa beel kale, 8 ka mid ah ayaa jufo hoose isla sii ah, dhammaantood waa rag oo hal gabadh xitaa kuma jirto.

Mid ka mid ah musharixiinta labo magac ayuu leeyahay oo u diiwaangashan waana Cabdullaahi Cali Axmed (Cadoow Cali Gees), guddiga doorashada waxaa laga rabaa magaca rasmiga ah ee aan ugu yeeri lahayn musharaxaasi, waan ka heley sida loo qorey magacyada maadaamaa Af Soomali sax ah lagu qorey hingaadooda, balse midkood ayaa lagu qorey English waana Maxamed Cabdirisaaq, mid ka mid ah waa hoggaamiye kooxeed hore, 2 ka mid ah horey ayay dalka madaxweynayaal oga soo noqdeen, midna wuxuu soo noqdey madaxweyne maamul goboleed, 2 Ra’isulwasaareyaal hore, 5 waxay soo noqdeen wasiiro heer federaal, 6 ka mid ahna horey waxa ay usoo noqdeen musharixiin madaxweyne.

17 ka mid ah musharixiinta waa qurbajoog, waxayna heystaan dhalashooyin kale oo aan Soomaali ahayn.

Wadar ahaan lacagta ay bixiyeen waa $720,000 doolar, taasi oo kala bar abaaraha wax looga qabanayo, waana warka ugu fiican ee doorashadan ku saabsan.

Marka ay halkaasi mareyso, waxa aan sugnaaba waa 8-da bisha Feberaayo, 2017-da iyo qofkii kusoo baxa, inta aan ka warhayana ma jirto qofkood oo guul kusii naaloon kara.

Aniga ma jirto musharax aan taageersanahay, mana ii muuqdo musharax 100% aan oran karo dalka waa uu samatobixin karaa, laakiin ka muwaadhin ahaan waxaan 100% la shaqayn doonaa, si shuruud la’aana u taageeri doonaa qofkii ay doortaan xildhibaanada sharafta leh, sababtoo ah dalka wuxuu u baahanyahay in uu horey u socdo.

Wabilaahi Toowfiiq
Cabdinaasir Axmed Sheekh Bashiir (Saxansoxo)

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com