Xarun ay laheyd Al-Shabaab oo duqeyn lagu burburiyey

Baydhabo (Caasimada Online) – Taliska Africom ee Mareykanka ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey duqeyn diyaaradahooda dagaalka ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Bakool ee koonfurta Soomaaliya, taas oo lala eegtay Al-Shabaab.

Duqeynta ayaa waxaa si gaar ah looga fuliyey deegaanka Tiyeeglow oo ka tirsan gobolka Bakool ee koonfurta Soomaaliya.

AFRICOM ayaa shaacisay in duqeyntaasi ay ku burburisay xarun ay laheyd kooxda Al-Shabaab, taas oo lagu sheegay inay aheyd faraca Idaacadda Andaluus ee Tiyeeglow.

Ma shaacin Mareykanka khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan, marka laga tago burburinta xaruntaasi.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhaq-dhaqaaqa Al-Shabaab oo la xiriira duqeyntaasi.

Waa duqeyntii afaraad oo uu Mareykanka ka fulinayo gudaha Soomaaliya, tan iyo markii la guda-galay sanadkan cusub ee 2021-ka.