Xarunta golaha shacabka ee BF oo si ku meel gaar ah looga dhigay keyd hub (Xog)

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen qaar kamid ah shaqaalaha xarunta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, islamarkaana ku dhow isgoyska Sayidka oo bilo ka hor lagu wareejiyay Turkiga si dayactir loogu sameeyo, ayaa hada laga dhigay xarun lagu keydiyo hubka.

Warkaan oo aan ka helnay shaqaalaha Xarunta Golaha Shacabka oo weli halkaas ku shaqeeya iyo ciidanka ilaaliyo dhismaha ayaa lagu sheegay in amarka keydka hubka looga dhigay uu bixiyay Madaxweynaha Soomaaliya. 

Dadka ka shaqeeya dhismahaan ayaa Caasimada Online u sheegay in qeyb kamid ah dhismaha Golaha Shacabka albaabada la saaray quful, sidoo kalane la xiray daaqadaha loona yeelay ilaalo gaar ah lamana oga sababta ka dambeysa in halkaas laga dhigo xarun keyd hub ah xili la filayay in la dayactiri doono.

Dowladda Turkiga ayaa hore u balan qaaday in ay dhisi doonto xarunta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo tan iyo burburkii helin dayactir dhameystiran marka laga reebo in xafiisyada qaar rinji la mariyay xiliyo dhow. 

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Golaha Shacabka iyo guddoonka Baarlamaanka oo aan la xariirnay ayaa ka jawaabin wicitaankeena halka qaar kamid ah maamulkana ay sheegeen in aysan beenin karin in hub la keenay islamarkaana aysan noo xaqiijin karin in la keenay iyo in aan la keenin.