QM oo xil u magacowday ergay ay Soomaaliya ceyrisay

New York (Caasimada Online) – Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa xil magacaabay, Nicholas Haysom oo horey uga soo shaqeeyey Somalia.

Haysom oo ay ceyrisay dowladda Soomaaliya sanadkii 2019-koo ayaa ahaa ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsanaa arrimaha Soomaaliya, isaga oo lagu eedeeyey faro-gelin arrimaha gudaha ah iyo inuu ku xad-gudubay madax banaanida dalka.

Diblomaasigan oo u dhashay dalka Koonfur Afrika ayaa ka soo shaqeeyey meelo kala duwan, sida xarunta dhexe Qaramada Midoobay ee magaalada New York, waxaana haatan loo magacaabvay inuu madax ka noqdo howlaha QM ee Suudaanta Koonfureed.

Mr Nicholas Haysom ayaa dhowaan u kictimaya magaalada Jubba ee caasimada dalkaasi, si uu ula socda xaaladda Suudaanta Koonfureed oo ay dagaallo aafeeyeen.

Sidoo kale diblomaasigan oo 69 sano jir ah ayaa bedalaya, David Shearer oo ka soo jeeda dhalasho ahaan dalka New Zealand.

Si kastaba Suudaanta Koonfureed ayaa ka mid dalalka ay sida joogtada ah uga dhacaan rabshadaha qabaa’illada salka ku haya, kuwaas oo dib u dhigay horumarkii dalkaasi.