Ciidamada Liyuu Boolis oo ‘dad shacab ah iyo ciidamo ka afduubtay’ HIIRAAN

Beledweyne (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraane, Cali Jeyte Cismaan oo la hadlay warbaahinta ayaa ku eedeeyey ciidamada Liyuu Boolis ee is-maamulka Soomaalida Itoobiya inay dhibabto xoogan ku yahaan shacabka gobolkaasi.

Cali Jeyte ayaa shaaca ka qaaday in saacadihii la soo dhaafay ciidamada Liyuu Boolis ay dad shacab ah iyo ciidan ka kaxeysteen deegaanada Xudeey iyo Wagle ee gobolka Hiiraan.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku sii daray in aysan u dul-qaadan doonin xadgudub uu sheegay inay gobolka ka wadaan ciidamadaasi.

“Dad isugu jiro shacab iyo ciidan ayay si Afduub ah uga qabsadeen inta u dhaxeyso Xudey Weglle iyo dareerte sifo sharci daro ah ayayna ku heestan, mana jirto ciid nagala hadashay arrintaas oo nagala xajootay waxaana ay arintaas dhalineeysa cawaqiib xuumo daran,” ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha Liyuu Boolis iyo is-maamulka Soomaalida dalka Itoobiya oo ku aadan eedeyntaasi loo jeediyey.

Inta badan waxaa xadka Hiiraan uu la wadaago dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ka dhaca dagaallo u dhexeeya Liiyuu Boolis iyo dadka ku dhaqan deegaanadaasi.