Madaweyne Lafta-Gareen oo ku sii jeeda magaalo Al-Shabaab go’doon ugu jirta

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lata Gareen) ayaa saacadaha soo socda ee maanta ku sii jeeda magaallada Xudur ee xarunta gobolka Bakool, halkaas oo ay go’doomiyeen dagaalyahanada Kooxda Al-Shabaab oo weli ku xoogan gobolkaasi.

Madaxweyne Lafta Gareen ayaa waxaa socdaalkan ku wehlinaya mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan maamulkiisa & xubno ka socda hay’adaha Samafalka.

Sidoo kale waxaa shalay Xudur gaaray wafdi kale horudhac u ah safarka madaxweynaha Koonfur Galmeed ee magaaladaasi.

Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyeyey, iyada oo qaban-qaabadii ugu dambeysay ee soo dhoweynta wafdigan laga dareemayo halkaasi.

Ujeedka safarkan ayaa ah mid lagu soo qiimeynayo xaaladda adag ee ka jirta magaalada Xudur oo muddo go’doon ugu jirta dagaalyahanada dhaq-dhaqaaqa Al-Shabaab.

Xaaladda magaalada ayaa ah xilligan mid aad cakiran, iyada oo uu sare u kac baahsan ku yimid qiimaha Maciishadda.

Socdaalkan ayaa ku soo aadayo, iyada dhowaan shacabka ku dhaqan degmada Xudur ay dhigeen dibad-bax ballaaran oo ay uga cabanayaan xaaladda adag ee magaaladaasi.