Museveni oo hoggaanka u haya doorashada Uganda

Kampala (Caasimada Online) – Waxaa weli socota tirinta codadka la dhiibtay ee doorashada dalka Uganda oo ay isku hayaan Yoweri Museveni & Bobi Wine.

Guddiga doorashada Uganda ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ay ku dhowaaqaan cidda ku guuleysatay doorashadan oo Khamiistii la soo dhaafay ka dhacday dalkaasi.

Codadka la tiriyey saddex meelood labo codadkii la dhiibtay waxaa ku horreeya Madaxweyne Yoweri Museveni oo helay 62% halka Bobi Wine uu heysto 35%.

Dhinaca kale xaaladda dalka Uganda ayaa ah mid cakiran, iyada oo ciidamo badan la dhigay waddooyinka qaar, gaar ahaan guriga Bobi Wine oo si weyn uga soo horjeeda dowladda, kaas oo shaaciyey inay jirto wax is daba-marin ku aadan doorashadaasi.

Sidoo kale guddiga doorashooyinka oo ka jawaabay eedeyntaasi ayaa sheegay in aysan jirin caddeymo muujinayo inuu jiro illaa iyo hadda musuq-maasuq la sameeyey.

Museveni oo 35 sano hayey xukunka ayaa ku dhow in mar lixaad loo doorto xilka madaxweynaha ee dalka Uganda isaga oo haatan ku horreeyo codadkii la tiriyey.