Xarunta Jaamacadda QM ee Soomaaliya oo loogu magac-daray madaxweyne Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo 17 qof oo aqoonyahano Soomaaliyeed ah ayaa maanta la guddoonsiiyey shahaadada sare ee PhD, iyadoo xafladda qalin-jebinta lagu qabtay Hotelka Decale ee magaalada Muqdisho.

18-kaan qof ee Xasan Sheekh uu ku jiro ayaa shahaadadaan ka qaatay Jaamacadda Nabadda ee Qaramada Midoobay, maamulka Jaamacadaas ayaa xafladii galabta ka sheegay in Xasan Sheekh loogu magac-darayo xarunta ay ku leeyihiin Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sanadkaan shahaadada sare ka qaatay cilmiga nabadda, maamul wanaagga iyo horumarinta, wuxuuna hadal mahad-celin u badan ka jeediyey xafladii galabta ee qalin-jebintooda.

Madaxweynaha ayaa aqoonyahanada Soomaaliyeed ee maanta kala qalin-jabiyey heerarka kala duwan ee culuumta ay bixiso Jaamacadda Qaramada Midoobey, wuxuu kula dardaarmay inay doorka muhiim ah ka qaataan halganka ciribtirka jahliga iyo dib u dhaca ay wajaheen dadka Soomaaliyeed.

Sidoo kale xafladaan waxaa ku qalin-jebiyey 144 qof oo kale oo shahaadada heerka labaad ee Masterka ka qaatay Jaamacadda Nabadda ee Qaramada Midoobay, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in qalin-jebinta tiro intaan la eg oo aqoonyahano Soomaaliyeed ay dhiiri-gelinayso mustaqbalka dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Ugu Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa munaasabadaas ka balan qaaday in 100 ka mid ah Aqoonyahannada Soomaaliyeed uu jaamacadaan ka siinayo deeq waxbarasho PhD ah, iyadoo dawladiisu ay arrinkaas la kaashaneyso Jaamacadda Nabadda iyo saaxiibbada kale ee taageera waxbarashada Soomaaliya.