Xasaasi: Maxamed Bin Salman ma jebin doonaa heshiiska 250 Sano jirka ah ee Wahaabiyada iyo boqortooyada Sucuudiga?

Boqortooyada Sucuudi Carabiya waxaa ay hadda ku jirtaa isbeddel dar dark u socda oo Siyaasadda iyo Bulshada ah ah,waxaana boqortooyadda hadda saran tahay waddada qunyarsocodnimada,waxaana uu dhaxal sugaha doonayaa in uu dunida la hortago Sucuudiga oo ka madaxbanaan xagjirnimada.

Waxaa loo arkaa in uu yahay maskaxda ka dambeysa isbeddelka dhinaca istiraatiijuyadda ah ee hadda ka socda Sucuudiga,kaas oo lagu lagu jiheynayo ilaha dhaqaalaha Sucuudiga,sidoo kalena lagu xaddidayo awoodda Culimada Diinta.

“waxaan ku laabaneynaa wixii aan ahaan jirnay oo ah waddan qunyarsocod  Islaami ah,kaas oo u furan diidamaha iyo Adduunka”ayuu yiri Maxamed Bin Salmaan oo ka hadlayay kulankii maalgagashiga Caalamiga ah ee Bishii October-2017  ka dhacay Magaalada Riyaad.

Isaga oo sharxayay damaciisa waxaa uu yiri  “waxaan rabnaa Sucuudiga oo soo laabta,wixii Sucuudiga ka dhacayay 30kii Sano ee la soo dhaafay ma ahayn Sucuudiga”,waxaana uu madaxda kaga horreysay xilka uu dhaxal sugaha ka yahay u eedeeyay in Sucuudiga ay u wadaan Waddadii 1979kii uu maray Dalka Iraan ee uu ilaa hadda ku jiro oo ah kacaan Islaami ah oo ay Culimada ugu sarreyso dhinaca Awoodda,tii oo ay Iraan u dheertahay in ay dooneyso in Bariga dhexe oo dhan ay ku faafiso.

Hadallada waxaa ay leeyihiin labo sababood oo muhiim ah.

Midda 1aad qunyarsocodnimada waa turjumaadda ama matalaadda saxda ah ee uu doonayo Sucuudiga in uu raaco,midda 2aad, waxaa uu diiddanyahay in Dadka qaabilsan maamulka Diinta ay maamulaan dhaqaalaha iyo Bulshada ,mana aha arrintaas mid ka turjumeysa jiilka dambe masiirkooda.

Sidaas darted, waxaa la doonayaa in turjumaadda qaldan ee Culimada bixyeen laga hortago si aysan u dhicin kacdoonkii Islaamiga Iraan oo ilaa hadda maamula dalkaas..

Sucuudi Carabiya  1979.

1979kii Sucuudiga waxaa uu u ahaa Sanad muhiim u ah taariikhda dalkaas ,waxaana cinwaan looga dhigay “Sanadkii qabsashada Masaajidka Barakeysan iyo Magaalada Makkah”,markaas oo ay qabsadeen kuwo mucaarid ah oo ujeedadoodu tahay in ay afgambiyaan qoyska Boqortooyada Sucuudiga,iyaga oo ku eedeynaya musuq iyo xiriirka reer galbeedka.

20kii November, 500 Askari oo uu hoggaaminayay  Juheymaan bin Maxamed Seyf al Cuteyba oo horay u soo noqday Taliyaha ilaalada Qaranka ,ayaa qabsaday Masaajidka Nabiga,waxaana uu sheegay in walaalkii Maxamed Al-Qaxtaani uu yahay Mahdigii ,kaas oo Islaamka ka xoreyndoona gaalada.

Inkasta oo dhacdadii todobaatamaadkii ay saameyn taban ku yeelatay Sucuudiga ,haddana dalku ma  noqon mid ay xagjiriinta la wareegaan.

Labo todobaad oo uu Ninkaas heystay Masaajidka iyo hareerihiisa waxaa ku dhintay boqollaal Xujey,Ciidanka Sucuudiga iyo ciidamadiisaba ah,waxaana uu falkaas daba socday ama ku xigay kacdoonkii Iraan,waxaana aad la isula dhexmaray in qabsashada Makkah laga soo agaasimay Tehraan.

Al-Cuteybi iyo walaalkiisba shiicado waxaa ay u arkayeen kuwo aan ku wanaagsaneyn aragtidooda,waxaana dadka aan labada dhinac ahayn isku qaldayeen in uu xiriir ka dhaxeeyo.

Xilliga qabsashada Masaajidka ay dhacday boqortooyada Sucuudiga waxaa ay wajaheysay xaalad adag ok degganaansho la’aan ah,afar sano ka hor xilligaas oo uu dalka xukumayay Boqor Feysal,waxaa uu Sucuudiga u riixayay dhinaca qonyarsocodnimada,waxaana markii ugu horreysay Boqortooyada yeelatay TV,baahinayay  dhiirra gelinta dhaqaalaha,Waxbarashada,iyo waxbarashada Gabdhaha ee Dugsiyada,hayeeshee boqorkii ayaaba shir qool lagu dilay,waxaana dilay mid ka mid ah ilmaha uu abtiga u ahaa,waxaana halkaas ku istaagay damicii boqor Feysal ee dhinaca qunyarsocodnimada u janjeeray.

Qabsashadii Masaajidka Boqortooyada waxaa ay ku abuurtay fajac iyo naxdin,waxaase ka sii darneyd markii Ayatullah Cali Khamanii oo Kacaankii Iraan ee xilligaas dhacay hoggaaminayay uu qabsashada Masaajidka ku cambaareeyay Israel iyo Mareykanka,waxaana Dunida Muslimka qaadatay hadalkii Ayatallah oo ay ka dhasheen Banaanbaxyo ay dad badan ku dhinteen Adduunka oo dhan,waxaana marka maamulka Sucuudiga ee Islaamka wakiilka uga ah dhowridda Makkah iyo Madiina ay qatarta wajaheen.

Qoyska boqortooyada oo arrintaas ka jawaabayay ayaa sheegay in arrintan ay sababtay hamigii boqor Feysal ee u jajeersashada qunyarsocodnimada,waxaana markaas awood la siiyay Golaha Culimada Sucuudiga oo ay Wahaabiyada hoggaaminayeen,waxaa Culimadii soo rogeen amarro ay ka mid ahayd in Ganacsiga ay booliska xoog ku xiraan xilliga salaadaha,in Haweenka aan lagu arki Karin banaanka,waxaana Ciidamada Booliska ah ee shaqadaas qabanaya mushaarkooda bixinayay Culimada oo dowladduba waa laga wareejiyay,si ay hoos ula socdaan nolosha dadka Sucuudiga ah.

Waxaa dib loogu laabtay qarnigii 18aad ee Boqortooyada Sucuudiga iyo Qoyska Maxamed Bin CabdulWahaab ay heshiiska galeen.

Heshiiskii Wahaabiyada iyo Sucuudiga?

Aragtida Wahaabiyada waxaa Sucuudiga looga diiwaangeliyay in ay tahay midda saxda ah ee ka turjumeysa Islaamka ,waxaana la beddelay Manhajkii dalka iyada oo la qaatay midda Wahaabiyada,waqtigu waa 1703-1792.

Wahhabism, cited as the official Saudi religious doctrine for which the country’s leadership has been so vehemently criticised and which MBS is looking to rebrand, is based on the teachings of Muhammad ibn Abd al-Wahhab (1703-1792).

Cabdul Wahab waxaa uu ahaa aqoonyahay Islaam ah,kana yimid Gobolka Najid ee gacanka Carbeed,waxaa uu ahaa Nin safar badan,qoraa ah,Kutubada uu qoray waxaa ka mid ah (Midnimo,Muwaxid),waxaase inta badan diiday Culimadii kale ee Muslimiinta.

Cabdulwahab waxaa uu oggolaa in meel aan ahayn Kitaabka iyo Sunnaha aysan Culimada wax ka soo daliishan Karin,wixii ka soo harana waxaa uu u bixiyay (BIDCO),waxaana Muslimiinta aan aragtidiisa qabin ku daray gaalada.

Ma jirin wax gaar ah oo ku cusbaa doodad Wahaabiyada oo salka ku heysa Mad-habta Xambaliga,waxaana ay u horseedday isaga in uu aad ugu dhawaado qoyska boqortooyada Sucuudiga maamusha.

Aragtida Maxamed Bin Sucuud,waxaa ay  daryeeleysay Dhallinyarada,laakiin uma ballan qaadeynin Awood dheeraad ah.

Bin Sucuud,waxaa uu maamulayay Degaanka Al-Diriya oo hadda ku taalla Duleedka Riyaadh,xilligaas oo uu Maxamed Bin Cabdul Wahabna si aan guuleysan aragtida  Wahaabiyada ku faafinayay Makkah iyo Bariga dhexe.

1744tii Cabdul Wahab waxaa uu ka cararay Madiina,waxaana uu tagay Al Diriya,waxaa uu magan gelyo ka helay Maxamed Bin Sucuud,halkaas waxaa ay ku dhiseen heshiis dhexmaray labada dhinac oo ahaa in  Ibnu Sucuud iyo Qoyskiisu maamulaan Milatariga iyo Siyaasadda,halka Maxamed ibnu Cabdu wahaab loo dhiibay  maamulka Diinta,isaga oo ku hubeysan Diin iyo Ciidan ayuu ibnu Sucuud Al-Diriya kaga dhawaaqay dowladdii ugu horreysay ee Sucuudiga yeesho.

Waxaa geeriyooday Cabdul Wahaab,laakiin geeridiisa waxba kama beddelin awood qeybsigii,waxaana xubnaha qoyskiisu qabteen halkii uu baneeyay,halkaas oo ilaa maanta ay hayaan,waxaa ay hadda awood badan ku leeyihiin meelaha go’aamada Diinta (Fatwada)laga soo saaro,waxaa ay heystaan Wasaaradda Diinta iyo Wasaaradda Waxbarashada iyada oo Manhajkoodiina yahay kan ilaa maanta adeegsado Sucuudiga.

Sucuudi Qunyarsocod ah?.

Heshiiskii Wahaabiyada iyo Sucuudiga hadda waxaa uu marayaa 250; Sanadood,walina dhinaca Diinta waxaa heysta Wahaabiyada halka dhinaca kalena ay heystaan Milatariga iyo Siyaasadda,waxaase hadda yimid waqtigii gebagebada heshiiskaas,umana baahna wax badan Qoyska Sucuudiga xilligan.

Sanadihii la soo dhaafay  Boqortooyada Sucuudiga waxaa ay xaddidayeen awoodaha dhinaca Diinta ee dadka ku abtirsada Cabdul Wahaab, Bishii August 2010kii, Boqor Cabdallihii geeriyooday ayaa soo saaray wareegto amreysa in Culimada fatwada dhinaca Diinta ay kaliya ka amar qaadanayaan Dowladda Sucuudiga,halkii ay ka hoostagi lahaayeen Golihii sare ee Diinta ee Qoyska Cabdul Wahaab maamulayeen.

Maamulka hadda ee Boqor Salmaan iyo wiilkiisa ku xiga ee Maxamed waxaa ay April 2016kii,waxaa ay la wareegeen awoodda maamulka Guddiga xuma reebista iyo wanaag farista,waxaana ay xir xireen Raggii ugu sarreeyay Guddigaas,December 2016kii Boqorka waxaa uu sameeyay Guddi Culimo qunyarsocod ah oo ah Guddiga ugu sarreeya dhinaca Diinta,2017kii Dowladdu waxaa ay fasaxday Goobaha Musigga,in Ciyaaraha daawan karaan Haweenka,iyo Shaleemooyinka oo 35 Sano kaddib shati ama ruqsad ganacsi loo goosan karo.

Sikastaba tallaabooyinka ugu adag ee la filayo waxaa ay ka dhici doonaan hanaanka awood qeybsiga maamulka Dowladda,sababta oo ah dowladda waxaa ay ku shaqeysaa sharciga Islaamka,waana halka golaha shuurada Sucuudiga ay ka soo xigtaan go’aannada ay gaarayaan.

In meesha laga saaro aragtida Wahaabiyada ee Sucuudiga waa mid si gaar ah uu isha ugu hayo Caalamka,tanina waa midda caddeyneysa in Heshiiskii Wahaabiyada iyo Sucuudiga dhaamanayo.

Su’aasha ugu weyn ee la is weydiinayo ayaa ah Sucuudiga miyuu xididdada u siibi doonaan Wahaabiyada oo dhan oo  uu  ka mid tahay Manhajka mise?

Boqortooyooyinka kale ee Khaliijka Carabta ma raaci doonaan Waddada Sucuudiga,mise sidooda ayey baaqi u sii ahaan doonaan?

W/Q: Yury Barmin; ka tirsan Qubarrada golaha arrimaha Caalamka ee Ruushka,gaar ahaan Bariga dhexe iyo Waqooyiga Afrika.

W/Turjumay: Adam Ibrahim Farah (Showqi).

Isha: AlJazeera.