Xasan Cali Kheyre: “Waxaan ka badbaadnay isku day dil oo lasoo qorsheeyey”

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isulwasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in isaga iyo musharixiin kale ay ka badbaaden isku day dil kadib markii ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ay rasaas ku furen banaanbaxayaal ay hor kacayeen.

Xasan Cali Kheyre oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay in tallaabadaan ay muujineyso aragtida siyaasadeed ee ku dhisan kali-talisnimda iyo xukun-isku dhajinta.

Kheyre ayaa tilmaamay inuu horey uga digay natiijada siyaasada ku dhisan xukun isku dhajinta ee masiirka dalka godka looga tuurayo.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka uu soo dhigay Facebook

Waxaan aniga iyo dhowr musharax oo u taagan xilka Madaxweynaha, Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka, masuuliyiin kale iyo shacab badan ka badbaadnay isku dey dil ah oo toos ah oo lagu qorsheeyay in nalagu khaarijiyo.

Xalay saqdii dhexe waxaa weerar lagu qaaday madaxweynayaashii hore ee dalka, waxaana kasii digay natiijada siyaasada ku dhisan xukun isku dhajinta ee masiirka dalka godka looga tuurayo.

Hadii uu harsanaa qof uu shaki uga jiray aragtida siyaasadeed ee ku dhisan kali-talisnimda iyo xukun-isku dhajinta ,weerarkii xalay iyo isku deygii dilka musharaxiinta aan kamid ahaa ee maanta haku cibri-qaateen.

Waxaa laga talaabsaday dastuurkii dalka, waxaa la jabiyay dhaqankii dowladnimada iyo xeerarkii bulshada ka dhaxeeyay, waxaana loo bareeray dilka madax hore iyo musharaxiin madaxweyne, Xildhibaanno iyo Muwaadiniin aan waxbo galabsan, dadkana waxaa loo diiday inay dareenkooda cabiraan, maxaa harsan oo xiga?