Duulimaadyadii garoonka Aadan Cadde oo istaagay iyo madaafiic ku dhacday

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararkii u dambeeyay ee xaalada magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in madaafiic ay ku dhacday garoonka diyaaradaha iyadoo mid ka mid ah madaafiicdana ay ku dhacday afaafka hore ee garoonka diyaaradaha Aden Cadde ee magaalada Muqdisho.

Lama oga qasaaraha ka dhashay madaafiicda ku dhacday garoonka hase yeeshee waxa ay wararku sheegayaan inuu saameyn ku yeeshay duulimaadyadii diyaaradaha ka duulayay iyo kuwa ka soo dagayay, duulimaadyadii iyadoo uu hakad ku yimid.

Sida ay ogaatay Caasimadda Online, madaafiicda ku dhacday Garoonka ayaa sababtay inay gubtaan goobo ganacsi oo ku yaalo gudaha Garoonka Aadan Cadde, waxaana halkaas gaari karin gawaarida dab damiska maadaama jidka soo galo garoonka ay isku hor fadhiyaan Ciidamada Dowladda iyo kuwa Musharixiinta.

Wararka aan la hubin ayaa sheegaya in waxa garoonka ku dhacay uu yahay hoobiye ay soo tuureen ciidamada Dowladda ee ku sugan jagbootiga laga ilaaliyo Garoonka ee ku yaalo meel aan ka fogeyn Isgoyska Nambar Afar.

Madfaca ku dhacay Garoonka Aadan Cadde ayaa yimid kadib markii ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda ay weerar kuso qaadeen banaanbaxayaal ay hoggaminayeen musharixiinta xilka madaxweynimo ee Soomaaliya.

Xaaladda ayaa hadda ah mid dagan, waxaana inta badan jidka Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ku sugan ciidamo ka amar qaato musharixiinta halka ciidamada Dowladda ay ku sugan yihiin Jagboontiga Km4.

Wixii kusoo kordha kala soco Caasimadda Online