QM oo war deg deg ah kasoo saartay xaaladda Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Onine) – Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa war kasoo saaray xaaladda kacsan ee ka taagan magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya taasoo u dhaxeyso Dowladda Dhexe iyo midowga Musharixiinta.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay aad uga walaacsan tahay iska horimaadyadii hubeysnaa ee Muqdisho ka dhacay xalay iyo saakay oo jimco ah.

Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday Dowladda Soomaaliya iyo Midowga musharixiinta inay muujiyaan deganaan iyo is xakameyn isla markaasna dib loo furo wadahadalka si loo yareeyo xiisadaha.

“Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay aad uga walaacsan tahay iska horimaadyadii hubeysnaa ee Muqdisho ka dhaca xalay iyo saakay oo jimco ah, waxa ayna ugu baaqeysaa deganaan iyo is xakameyn dhinacyada ay khuseyso, waxa ayna boorrineysaa in ay furnaato waddada wadahadalka si loo yareeyo xiisadaha” ayaa lagu yiri qoraalka QM.

“Waxa ay muujinayaan isku dhacyada ka dhacay caasimadda sida loogu baahan yahay in degdeg loogu qabto kulan ay isugu yimaadaan Madaxda Dowlada Federaalka iyo kuwa Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federaalka si ay heshiis siyaasadeed uga gaaraan hirgalinta qaabkii doorasho ee 17-kii Sebteembar,” ayaa lagu soo gaba-gabeeyay qoraalka kooban ee UNSOM.

Muqdisho waxaa ka taagan xaalad cakiran oo salka ku heysa doorashooyinka dib uga dhacay waqtiga dastuuriga ah, dibadbaxyada Midowga Musharixiinta ku baaqeen in ay ku qabanayaan Caasimadda, Askarta Dowladda ee la dhigay waddooyinka, weerarka Madaxweynayaashii hore ee xalay saq dhexe dhacay & dad isku soo baxay oo lagu rasaaseeyay wadada xiriirisa KM4 & Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde.