Safarkii madaxda maamul goboleedyada ee Muqdisho oo baaqday + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkii uu ku dhawaaqay madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qabsoomi waayay, mana la dareemayo in madaxda maamul goboleedyada ay isku diyaarinayaan imaatinka Muqdisho.

Farmaajo ayaa ku dhawaaqay in laba maalmood oo shir ah la isugu yimaado magaalada Muqdisho si loo saxiixo is fahamkii ay magaalada Baydhaba kusoo gaareen guddigii farsamada ee halkaas ku shiray.

Madaxweynaha wakhtigiisa dhamaaday wuxuu asteeyay in 18-ka iyo 19-ka bisha la isugu yimaado caasimadda, waxaana la sugayay iney madaxda maamul goboleedyada soo xaadiraan si shirka u qabsoomo.

Kaliya madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Maxamed Lafta-gareen ayaa shalay soo gaaray, sidoo kale madaxda kale ee maamul goboleedyada ayaan soo gaarin.

Sida muuqata shirka ma qabsoomi doono maadaama labada maalmood ee la qabtay ay maanta ugu dambeyso, wuxuuna wakhtigi kusoo aadayaa xilli Muqdisho ay ku jirto xaalad cakiran.

Caasimadda Onlone ayaa ogaatay in ay u baaqdeen Madax Goboleedyada sabab la xiriirta xaaladda cakiran ee Caasimadda ka jirta, kadib markii Dowladda Federaalka awood u adeegsatay dibadbaxyada Musharixiinta ku baaqeen.

Magaalada Muqdisho ayaa inteeda badan maanta lagu arkayaa Ciidamada gaarka ah ee Dowladda Federaalka oo xiray waddooyinka, waxaana ay joojiyeen isu socodka Gaadiidka Dadweynaha, halka meelaha qaar Shacabka laga celinayo.