Musharax Jabriil Ibraahim Cabdulle: “Waxa Xamar ka dhacay lama aqbali karo.”

Muqdisho (Caasimada Online) – Jabriil Ibraahim Cabdulle oo kamid ah Murashaxiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed kasoo saaray dhacdadii maanta ee ciidamada dowladda ku rasaaseeyen banaanbaxayaashii ay hogaaminayeen qaar kamid ah Midowga Musharaxiinta.

Jabriil Cabdulle ayaa ugu horeyntii wax laga xumaado ku tilmaamay iska hor-imaadkii hubeysnaa ee xalay iyo saakay ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo uu ka dhashay qasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo bur-bur hanti.

“Waxaa nasiib xumo ah in dhiig Soomaaliyeed la daadiyoiyada oo shacabka Soomaaliyeed iyo dalka Soomaaliyeed guud ahaan ay xiligaan u jiheysteen in ay qaadaan wadada nabadda iyo dib u yegleelida dimoqoraadiyadda,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedkaan.

Waxa kale oo lagu yiri “Baaqa Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed ayaa si cad u qeexaya xuquuqda qofka Soomaaliga, ‘Alle ka sokoow awoodda oo dhan waxaa leh shacabka, wuxuuna ugu isticmaalayaa si toos ah isagoo u adeegsanaaya hay’adihiisa uu u xilsaartay’. Marnaba gor-gortan lama gelin karo gobonimada iyo xoriyada qofka Soomaaliga.”

Musharaxa ayaa si adag u sheegay in Shacabka Soomaaliyeed ay xaq u leeyihiin inay fikirkooda ka dhiibtaan mustaqbalka dalkooda, isagoona wax aan loo sii dulqaadan karin ku tilmaamay wixii xalay ilaa saaka ka dhacay magaalada Muqdisho.

“Waxaa burburaya waa hanti shacab, waxaa qaxaya waa hooyooyin iyo biri-mageydo ah, waxa la argagax gelinayo waa waalidiin da’ ah oo nolol maameelkooda halgan ugu jira,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Ugu dambeyntiina waxa Musharaxa uu ku baaqay degenaansho iyo xasilooni dhinacyada hubaysan ee isaga soo horjeeda waddooyinka magaalada Muqdisho, iyadoo loo turaayo shacabka Soomaaliyeed ee ku nool caasimada dalka.