Weerarkii ay ciidanka DF ku qaadeen shacab dibad-baxayey oo la naqdiyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta rasaas xoogan lagu furay banaanbaxayaal ay hogaaminayeen qaar ka mid ah musharaxiinta mucaaradka iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka waqtigiisa dhamaaday, kuwaasi oo socod ku marayay wadada ka timaada garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Musharaxiinta hogaaminayay banaanbaxan ayaa waxaa kamid ahaa hogaamiyaha xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ra’iisul wasaarahii hore Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre iyo xildhibaano uu ku jiro Mahad Salaad.

Xildhibaaan Mahad Salaad oo kamid ahaa mas’uuliyiintii qeybta ka ahaa banaanbaxayaasha ee lagu furay rasaasta ayaa sheegay in tallaabadan ay ciidanku ku kaceen, ayaga oo amar ka sita madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaday, sida uu sheegay.

Sidoo kale waxa uu sheegay in weerarkii xalay ciidamada Gorgor ku qaadeen huteelkii ay daganayaan madaxweynayaashii hore ee dalka iyo rasaasta lagu furay saaka banaanbaxayaasha ay marqaati cad u yihiin in madaxweyne Farmaajo uu yahay Siyaad Barre labaad.

“Xalay iyo saakay waxa dhacay waxay ka marqaati kacayaan in Farmaajo yahay Siyaad Barre labaad, INKAAR iyo AF na ku bixi maayo ee hala iswaraysto!,” ayuu ku yiri Mahad Salaad qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Dhinaca kale, Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamid ah Midowga Musharaxiinta Mucaaridka oo isaguna dhacdadaas ka hadlay ayaa sheegay in maalin dhow waajibkooda la marin doono askartii iyo hogaankii amray in rasaas lagu furo banaanbaxayaasha ay qeybta ka ahaayeen.

Waxa uu askartii rasaaseysay ugu yeeray “Maleeshiyaad ka amar qaadanaya kali-talis waqtigiisu dhamaaday”, wuxuuna shacabka ugu baaqay inay iska dhiciyaan waxa uu ku sheegay ‘kali taliska xilligiisa dhamaaday ee ina Farmaajo’.

“Maleeshiyaadka xabadda ooda uga qaaday shacabka iyo hogaamiyayaalka sida nabadda ah u mudaaharaadayey ee ka amar qaataan kali taliska xilligiisa dhamaaday ee ina Farmaajo danbiga ayey  isku sii badinayaan. Way dhowdahay maalintii marinkooda la marin lahaa. Reer Muqdisho waxaan leeyahay dhiigya cabka waad aragteen, waxaa idiin dhiman in aad iska dhicisaan,” ayuu yiri.

Xaalada magaalada Muqdisho ayaa maanta kacsan, waxaana waddooyinka lagu arkayaa ciidamada dowladda oo farabadan, ayada oo mucaaridka wadaan dhaq-dhaqaaqyo ay ku wiiqayaan tallaabooyinka dowladda uga hortagtay banaanbixii weyna ee maanta loo balansanaa.