Xasan Daahir oo shaaca ka qaaday xiriirka DF kala dhaxeeya iyo sida wax walba loogu ogolaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Xasan Daahir Aweys oo muuqaal cusub soo duubay ayaa ka hadlay xiriirka ka dhaxeeya isaga iyo dowladda Soomaaliya, oo uu u xiran yahay.

Sheekh Xasan Daahir Aweys waxa uu beeniyey inay dowladda Soomaaliya adeegsato, kadib markii mucaaradka iyo dad kale ay sheegeen in loo isticmaalayo in lagu weeraro dadka siyaasad ahaan ay iska soo horjeedaan dowladda.

Xasan Daahir Aweys ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay siisay qalabka iyo internet-ka uu wax kusoo duubay balse loo sheegay inuusan ka hadlin siyaasadda.

“Waxay igu yiraahdeen siyaasadda ha kadlin, waxaana ku iri ‘siyaasadda ha ka hadlin sax maaha, lugihii waad iga xirteen, adimadiina waad iga xirteen, afkiina iga xira, oo qalabka iga qaata’.” Ayuu yiri Xasan Daahir Aweys.

Waxa uu shaaca ka qaaday in waxyaabo badan oo aysan haysan dadka kale ee u xiran dowladda isaga loo ogolaaday, sida inuu la kulmo qoyskiisa, taasi oo uu uga mahad-celiyey dowladda. “Xitaa caruur ayaa iigu dhalatay aniga oo maxbuus ah” ayuu yiri.

Waxa uu muujiyey in cadaadis xooggan oo beesha uu kasoo jeedo uga yimid dowladda, ay qasabtay in waxyaabo badan isaga loogu ogolaadayo.

“Mararka qaar qabiil si buu ku wanaagsan yahay,” ayuu yiri Xasan Daahir Aweys.

“Nimankan aan u xiranahay waxba igalama dhaxeeyo, xitaa ma xiriirno, mararka qaar askarta ilaalada iga haysa ayaan ayaan iskala macaamilaa,” ayuu yiri.

Waxa uu shaaca ka qaaday in mar ay wada-hadallo u billowdeen isaga iyo madaxda dowladda balse ay burbureen kadib markii uu mowqifkiisa ku adkaystay, wixii markaas ka dambeeyayna aysan dib isku arag.

Xasan Daahir ayaa dhanka kale ku adkeystay inuusan waligiis laaluush iyo lacag xaaraan ah qofka ka qaadan, islamarkaana maanta aysan jirin wax uu haysto oo dhaqaale ahaan uu liito.