Xasan & Jawaari oo warqad dacwo ah ka gudbiyey KAY, kuna hanjabay inay dalka ka ceyrinayaan + Xiisad kacsan

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa waxay ka caroodeen hadalkii xalay ka soo yeeray Wakiilka Qaramada Midoobe u qaabilsan arrimaha Somaliya Amb. Nicholas Kay.

Warbixin uu soo saaray Nicholas Kay, ayaa wuxuu walaac kaga muujiyay in dhaqaalo loo adeegsado ridista Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Dr. C/weli Sheekh Axmed Maxamed, isagoona khilaafka Madaxda Dowladda ku sheegay mid Somaliya ka leexan kara dhabaha sanadka 2016-ka.

Madaxweynaha Somaliya, ayaa waxa uu xalay warqad deg deg ah uu u qoray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobe Ban Ki-moon, isla-markaana wuxuu ku sheegay inay ka fiirsan doonaan sii joogitaanka Nicholas Kay ee Somaliya.

Madaxweynaha, ayaa qoraalka ku cadeeyay in Wakiilka Qaramada Midoobe ee Somaliya uu faraha la galay Siyaasada Somaliya, isla-markaana ay taasi muujineyso sida uu kaga dheereeyay hawlihii loo igmaday. Taageerada Qaramada Midoobe ee Somaliya wuxuu Madaxweynuhu ku sheegay mid ku eg uun wax u qabashada dadka talaabeysan, arrimaha horumarinta, dib u dhiska dalka iyo dib u heshiisiinta beelaha Somaliyeed, isla-markaana aysan Qaramada Midoobe xaq u lahayn inay soo fara geliso arrimaha Siyaasada.

Ilo lagu kalsoonaan karo, ayaa sheegay in Madaxweynuhu uu qoraalkiisu ku xusay, in Nicholas Kay ay u arkaan mid garab gaar ah la saftay, taasina ay tahay wax aynaan aqbali karin Madaxtooyada.

Sidoo kale Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa warqad waxa uu u diray Ban Ki-moon, wuxuuna ku sheegay sida ay kaga xun yihiin hadalkii ka soo yeeray Nicholas Kay.

Gudoomiyaha, ayaa hadalka Amb. Kay ku macneeyay mid gef weyn ku ah Baarlamaanka, Xildhibaanada, dalka iyo dadka Somaliyeedba, isla-markaana uu dalku yahay mid madax banaan, oo Baarlamaan shaqeeya leh, isagoona Nicholas kaga digay in uu ka fiirsado waxyaabaha uu ku hadaaqaayo.

Jawaari, ayaa qoraalkiisa ku muujiyay in Baarlamaanku uu kulan ka yeelan doono weerarkii afka ahaa ee kaga yimid Nicholas Kay, wuxuuna ku baaqay inaanu Nicholas Kay lumin xiriirka kala dhaxeeya Baarlamaanka Somaliya.

Dhanka kale Magaalada Muqdisho oo ay ku sugan yihiin in ka badan 200 oo Xildhibaano, ayaa waxay intoodu badan ka caroodeen eedeymihii uu u soo jeediyay Wakiilka Qaramada Midoobe, iyagoona khadka teleefanka ku wada xiriiraayay ilaa xilli dambe oo xalay ah.

Xildhibaanada, ayaa waxaa lagu wadaa in maanta ay kulan ku yeeshaan Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho, waxaana la hadalhayaa in ajandaha lagu soo dari doono dhaliishii uu Mr. Kay u soo jeediyay.

Hadalka ka soo yeeray Nicholas Kay, ayaa waxaa loo fasirtay mid sii kicinaaya dareenka Xildhibaanada ku kacsan Wasiirka 1-aad ee Xukuumada, xilli ay Magaalada Muqdisho ku lafa gurayaan mooshin ka dhan ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com