Nicholas oo muujiyey in C/Weli uu bixi doono, balse la saftay, kana digay in…

Nairobi (Caasimada Online) – Wakiilka xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay, ayaa bayaan uu soo saaray ku muujiyey sida uu u taageersan yahay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Weli Sheekh Axmed, oo ay is-khilaafan yihiin madaxweyne Xasan Sheekh.

Kay, waxa uu sidoo kale bayaanka ku muujiyey inuu ka niyad jabsan yahay inay u eg tahay in Cabdi Weli uu xilka ku weyn doono codka kalsoonida ee baarlamanka.

Inkasta oo Kay uusan labdaas qodobba si rasmi ah u sheegin, haddana xeeldheerayaasha siyaasadeed ayaa rumeysan in habka uu Kay u dhigay hadalkiisa ay si cad uu muujinayaan inay u eg tahay in Cabdi Weli bixi doono, uunna taas ka xun yahay.

Kay waxa uu yiri “Waxaan garowsanahay oo aan ogahay xilkasnimada xildhibaanada Baarlamaanka ee isxilqaamay iyo hawsha adag ee ay hayaan, laakiin waxaan ka walaacsanahay eedeymo sheegaya in qaar ka mid ah Xildhibaanada la weydiisanayo inay codkooda lacag siistaan iyadoo laga yaabo inuu dhaco mooshin ‘Kalsooni Kala Noqosho ah’, taasoo dhabarjab ku ah horumarka ay Soomaaliya u qaadayso dhanka isla xisaabtanka iyo hufananaanta,Soomaaliya iyo dadka Soomaaliyeedba waxay mudanyihiin wax sidaas ka fiican”

Cabdiraxmaan Jimcaale, oo ah aqoonyahan ku nool Muqdisho, ayaa Caasimada Online u sheegay in hadallada Kay, ay banaanka soo dhigeen mowqifkiisa, uuna garan karo qof kasta oo wax fahmaya.

“Sida hadalkiisa laga dheehan karo, waxa uu Kay muujiyey in xildhibaanada ay codka kalsoonida u qaadi doonnaan Cabdi Weli, iyo inay codkooda ka iibsanayaan Xasan Sheekh, waxa uuna muujiyey inuu taas ka xun yahay” ayuu yiri Jimcaale.

Nicholas Kay, ayaa muddo la rumeysnaa inuu ra’iisul wasaare Cabdi Weli la safan yahay, maadaama uu ku xiran yahay maamulka Puntland, waxaana hadda muuqata inuu mowqifkiisa banaanka soo dhigay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com