Xog: Guuleed iyo Faarax oo u sheegay Xasan Sheekh akhbaar ka farxisay oo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan xasaasi ahaa ayaa waxa uu Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ku dhex maray Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud, Faarax Sheekh C/Qaadir iyo C/Kariin Guulleed, sida xubno ku sugan Villa Somalia ay sheegeen.

Kulanka ayaa ahaa mid Seddex geesood ah kaasi oo ay mas’uuliyiintaasi uga arrinsanayeen arrimo dhowr ah oo ay kamid ahaayen Siyaasada, Mooshinka iyo Khilaafka taagan ee madaxda sare ee DF.

Ilo wareed ka ag-dhow Seddexda mas’uul ayaa inoo xaqiijiyay in shirka culeyska lagu saaray riditaanka Ra’isul wasaare C/weli iyo diyaarinta Mooshinada socda, waxaana la tilmaamayaa in Faarax C/qaadir iyo C/kariin Guulleed ay madaxweynaha uga warbixiyeen waxyaabihii uu Ra’isul wasaaraha ku mashquulsanaa inta uu Xassan ku maqnaa shirkii Dubai.

Guulleed iyo Faarax ayaa Xasan ku wargaliyay in C/Weli uu ku mashquulsan yahay kasbashada Xildhibaanada baarlamaanka, islamarkaana uu kaashanaayo Ganacsato iyo mas’uuliyiin ka tirsan Beesha uu kasoo jeedo.

Dhanka kale, Labada mas’uul Faarax iyo Guulleed ayaa madaxweyne Xasan usoo bandhigay Liis dheer oo ay ku qornaayeen in kabadan 115 Xildhibaan, kuwaasi oo diyaar u ah ridida Ra’isul wasaare C/Weli, taasi oo la sheegay in Xasan Sheekh ay ka farxisay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com