Xog: Madaxweyne Xasan iyo kooxdiisa oo lacag looga macaashay MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Xarumaha dowlada ayaa waxaa looga dhergay lacag laga helayo qorshaha xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somalia ay ku diyaarinayaan mooshin la doonayo in laga gudbiyo Ra’isul wasaare C/weli Sheekh.

Qorshahaani ayaa waxaa wada Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dam-Jadiid islamarkaana xiriir dhow la leh Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, oo lacag badan ku iibsanaya codadka xildhibaanada.

Ujeedka mooshinka iyo kala iibsashada ayaa ah mid lagu soo geba gebeynayo xukuumadda Cabdi Weli, taasina waxa ay fursad badan siisay xildhibaano badan oo lacag doon ah.

Xarumaha DF ayaa waxaa lagu kala qeybsanayaa dhaqaale dhawaan Dam-Jadiid kasoo gaaray dalka Sacuudiga kaasi oo laga damacsan yahay in looga guuleysto C/weli sheekh axmed oo xusul duub ugu jiro sida uu Xassan sheekh uga horkeeni lahaa Golaha shacabka ee baarlamaanka.

Dhanka kale, waxaa marba marka xigta sii kordhaaya Khilaafka labada mas’uul waxa uuna iminka gaaray heer la kala iibsado Xildhibaanada inkastoo labada mas’uul midba uu jeebkiisa adeegsanaayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com