Jawaari, C/Weli, Shariif Xasan, Xasan & FAARAX oo wada qorshayaal is-diidan

Shirka Maamulka loogu dhisayo 3-da Gobol ee Koofur Galbeed oo maalmahaan ka soconayey Magaalada Baydhabo ayaa qarka u saran inuu gebi ahaan burburo kadib markuu hareeyay khilaaf ba’an oo ka yimid qeybsiga ergooyinka iyo guud ahaan qaabka shirka u soconayo.

Hogaamintii shirka waxaa la wareegay guddi wasiiro ah oo DF u magacawday shirka , Guddigaas oo kala ah Wasiirka Isboortiga Khaalid oo kasoo jeeda beesha Digil/Bagadi, Wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga Cabdalla oo kasoo jeeda Biimaal iyo Wasiir ku xigeenka Amniga Ibrahin Yarow oo kasoo jeeda Beelaha Mirifle.

Wasiiradda kala ah Khaalid, Cabdalla iyo Ibrahin Yarow ayaa shirka u maamulay qaab cadaalad daro ah oo beelaha qaar lagu faquuqay, waxaana halkaan ku soo gudbineyna qaabka guddiga wasiiradu u qeybiyeen 378-da ergo iyo halka beeluhu ka taagan yihiin shirka:-

Beesha Mirifle guud ahaan= 201, Beelaha mirifle oo ka kooban sided iyo sagaal iyo beelo kale oo yar yar ayaa inta badan ku qanacsan tirada ergada shirka ka heleen.

Beesha 7-da Aw Digil guud ahaan 70 xubnood (Gare , Jiido, Tuni , Bagadi , Shan caleemood , Geledi, Dabare) iyo beesha Hintir ayaa loo qorsheeyay 70-ka xubnood. Beesha 5-ta Caleemood ayaan ku qancin qaabka ergada loo qeybiyey ilaa haddana shirka aysan ka qeyb gelin ergadooda.

Beesha Hawiye= 40 ergo, Xubnaha Guddiga Farsamada ugu jira Beesha Hawiye eek ala ah Dr Caraale, Naasir iyo Hassan Abdulle Godey ayaan ku qancin tirada ergada 40-ka, iyadoo xubnahani u sheegeen wasiirada in beesha Hawiye wax ka degto 8-da degmo oo G/sh/hoose iyo sidoo kale deegaano ka tirsan Gobolka Bakool oo beesha Jajeele degto iyo sidoo kale Deegaano ka tirsan Gobolka Bay gaar ahaan Degmada Buur Hakabo oo beesha Gaaljecel degto, xubnahaan ayaan ku gacan seyray qaabka shirka u wadaan guddiga wasiirada, waxeyna cabashadooda gaarsiiyeen Xildhibaanada Beesha Hawiye, Madaxweyne Hassan Sheikh, RW Abdiweli, Gudoomiyaha Baarlamanka Jawaari iyo Xafiiska UNSOM Somalia, Waxayna si cad u sheegeen hadaan shirka qaabka uu u socdo la sixin , si cadaalad ahna wax loo qeybsan ineysan aqoonsan doonin gebi ahaanba wixii shirka kasoo baxa.

Beesha Biimaal = 48 ergo. Beesha Biimaal oo wax ka degta Degmada Marka, kana kooban Biimaal Jileec ah oo kasoo jeeda Beesha Dir, kuna qanacsan tirada ergada ka heleen iyo Biimaal Jareer oo ku abtirsada Jareerweyne ahna tirada ugu badan beesha Biimaal ayaan ku qanacsaneyn xubno tiro yar oo laga siiyey ergada shirka, Biimaal-ka ku abtirsada beesha Jareerweyne ayaan sidoo kale ka helin hal xubin 7-da xubnood oo beesha Biimaal ku leedahay Baarlamaanka Federaalka Somalia.

Beesha Sure = 3 ergo, Beesha Sure ayaan ku qancin xubnaha beesha dir ka heshay ergada koofur galbeed inta iyaga looga qorsheyay.

Ogaadeen = 12 Beesha Ogaadeen oo degta 2 –degmo oo ka tirsan Gobolka Bakool oo kala ah Ceelbarde iyo Yeed ayaan ku qancin xubnaha looga qorsheyay ergada shirka maamul u sameynta koofur Galbeed.

Beesha Banaadiriga (Laba iyo Toban Koofi), Sheekhaal Gendershe, Sheekhaal Jasiira oo la is raaciyey ayaa shirka looga qorsheeyay 4 Xubnood, Beelahaan oo dega deegaano badan oo ka tirsan degmoyinka Marka, & Barawe (Jasiira, Dhanaane, Gendershe, Jilib Marka, Marka, Barawe) ayaa sheegay in qeybsiga ergada inuu yahay cadaalad daro aan la qabali karin hadii aan la sixin. Guddiga wasiirada ayaa beelahaan u sheegay inay ugu darayaan 2 xubnood oo kale balse kuma qancin qaabkaan ergada loo qorsheeyay oo ay ku sheegeen quursiga.

Prof Jawaari iyo RW Abdiweli iyo Qorshahooda

Prof Jawaari iyo RW Abdiweli oo aan horey isugu fiicneyn ayaa la sheegayaa inay siyaasada jahwareerka ah ee Soomaaliya isu keentay, haatan labadooduba waxay doonayaan in shirka ergada la hakiyo oo aan lagu ansixin Dastuur, Doorashana aysan dhicin, RW Abdiweli wuxuu 1-da bishaan soo saaray warqad guddiga wasiirada ee shirka Baydhabo lagu amrayo inay soo galaan Muqdisho 2-da bisha 11-aad si looga wada tashto qaabka shirka, lana qanciyo beelaha aan qanacsaneyn, Ku simaha Madaxweynaha ahna Gudoomiyaha Baarlamankana Prof Jawaari wuxuu soo saaray warqad uu ku ayidayo go’aanka Xukuumadda, Labadaan masuul waxay kasoo horjeedaan in ergada wax doorato oo uu Shariif Hassan kusoo baxo, maadaama hadda Sharif Hassan u ololeynayo in RW Abdiweli la rido. Prof Jawaari ayaa doonaya in ergada la badiyo lagu soo daro ergo ka socota Maamulka 6-da Gobol, beelaha aan qanacsaneyn la qanciyo, Ergadu ansixiso kaliya dastuurka, odoyaasha dhaqankuna Magacaabaan Xildhibaanada

K/Galbeed, Xildhibaanduna doortaan Madaxweynaha Koofur Galbeed.

Xildhibaan Shariif Hassan

Xildhibaan Shariif Hassan oo og siyaasadu inaysan lahayn saaxxib Jogto ah ayaa ka hor yimid RW Abdiweli, wuxuu ku biiray kooxda Madaxweyne Hassan Sheikh iyo Farah Abdulkadir ee dooneysa in la rido RW Abdiwelim Shariif Hassan wuxuu doonayaa in Maamulka Koofur Galbeed ergadu ansixiso dastuurka, dooratana Madaxweynaha K/Galbeed, Xildhibaan Shariif Hassan ayaa la sheegayaa in guddiga wasiirada ee shirka hagaya isaga u shaqeynayaan, ergada shirka joogtana 90% isaga taageersan yihiin, haddii ergo dooranaysana uu isagu noqonayo Madaxweynaha K/Galbeed, Shariif Hassan ayaa Markaa kadib doonaya inuu isagu magacaabo Madaxweyne Ku xigeeno iyo Gole wasiiro, sidoo kalana beelaha ka xusho xildhibaanada uu doonayo,qorshahan ayaa ah mid lamid ah sidii uu ku yimid Maamulka Juba ee Ahmed Madobe hogaamiyo. Shariif Hassan ayaa beelaha aan qanacsaneyn u sheegay inuu dib ka qancin doono marka isagu noqdo Madaxweynaha K/Galbeed.

Shariif Hassan ayaa doonaya inuu hal mar gacan uga helo in Madaxweyne Hassan Sheikh iyo Kooxda Damujadiid ee Farah Abdulkadir ku taageeraan qorshihiisa boobsiiska ah ee uu ku noqonayo Madaxweynaha Koofur Galbeed, taas bedelkeedana uu la rido RW Abdiweli oo uu haatan arkay qorshaha lagu ridayo inuu xawli ku socdo, Shariif Hassan ayaa doonaya inuu hal mar loogu dhawaaqo Madaxweynanimada Koofur Galbeed isaga oo taageero ka heysta Hassan Sheikh iyo Damujadiid, Markaas ka bacdina uu ku biiro qorshaha Madaxweynayaasha Puntland iyo Juba oo sharciyadda iyo talada Dalka lagala wareegayo Madaxweyne Hassan Sheikh iyo Damujadiid.

Madaxweyne Hassan Sheikh iyo Damujadiidka Farah Abdulkadir

Madaxweyne Hassan Sheikh iyo Kooxda Damujadiid oo ay ka go’an tahay inay ridaan RW Abdiweli ayaa doonaya taageerada Xildhibaan Shariif Hassan oo la sheego inuu taageerayaal gaaraya 30 meeyo xildhibaan ku leeyahay Baarlamaanka, Hassan Sheikh iyo Farah Abdulkadir ayaa sidoo kale dooneyn inay si barer ah uga hor yimaadaan qorshaha Prof Jawaari. Labadaan siyaasi oo ah kuwo ku cusub siyaasada ayaa la sheegayaa inay yihiin kuwo kaliya ka fikira xaalada markaas haysata, ujeedka Hassan Sheikh iyo Farah Abdulkadir ayaa lagu sheegayaa kaliya inay doonayaan in lacago aruursadaan inta laga gaarayo 2016-ka. Madaxweyne Hassan Sheikh iyo Kooxdiisa Damujadiid ayaa dhisaya oo u kala ordaya Dawlado kamid noqda Federaalka Soomaaliya xili aan weli la diyaarin Dastuurka Federaalka Soomaaliya, Xiliga ay dhisayaan Dawladaha Federaalka ah ee kamid noqonaya Federaalka Soomaaliya ayeysan jirin Ciidan qaran, Dastuur Federaal lagu mideysan yahay, heshiis cida qaadeysa canshuuraha dalka iyo sida loo maamulayo, heshiis ku saleysan kheyraadka Dalka iyo sharcigii lagu mamuli lahaaba.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhaba
Caasimada@live.com