Xasan Kheyre: Dugsiyada qur’aanka ayaan baaritan ku sameyn sababtoo ah…

Ra’iisul wasaaraha Somalia oo ku sugan dalka Norway ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay baaritaan ku sameyn doonto caruurta Soomaaliyeed ee dhigta dugsiyada qur’aanka, kuwaasi oo dowladda Norway ay sheegtay in jirdil loogu geysto iskuulada diiniga ah ee qur’aanka lagu baro.

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa hadalkaan ka sheegay telefishinka NRK xili uu ay barbar fadhiyeen xoghayaha qaramada midoobay António Guterres iyo wasiirka arrimaba dibada Norway Ine Marie Eriksen Søreide, isagoo tilmaamay in dowladdiisa xoogga saari doonto baaritaan dhab ah oo arrintaasi ku saabsan. Telefshinka ayaa sidoo kale sheegay in caruur fara badan oo Soomaaliyeed oo laga celiyay Norway jirdil loogu geystay dugsiyada qur’aanka.

Xasan Cali Kheyre oo dhalasho ka haysto dalka Norway ayaa sheegay in wixii kasoo baxa baaritaankaasi ay la wadaagi doonaan Norway oo uu tilmaamay in markii hore ay kusoo wargeliyeen hase ahaatee uu isagu tilmaamay in wax badan uusan kala socon eedaasi balse baaritaanka kadib la ogaan doono.

Wasiirka arrimaba dibada Norway Ine Marie Eriksen Søreide, Xoghayaha qaramada midoobay António Guterres iyo RW Kheyre

“Waxaan bilownay baaritaan ku saabsan kiiskaan markii dowlada Norway nala soo xariirtay, waxaana sameyn doonaa wax kasta oo loo baahan yahay si caruurtu ay u helaan Xuquuqdooda Somalia iyo Norwayba” ayuu yiri RW Kheyre.

“Waxaan ra’iisul wasaare u ahay dal u baaahan in wax badan dareen loo yeesho oo 24 saac aysan kugu filneyn, sidaas darteed wax badan kalama socdo, laakin intaan ka ogahay waxaan ka helay dowlada Norway oo wada shaqayn fiican naga dhexayso , sidaas Darteed Waan hubi doonaa Arinkaan Anagoo u marayna Wadada Saxda ah”

Telefishinka dalka Norwey ee  NRK ayaa horay usoo ban dhigay Caruur lagu celiyay Soomaaliya oo qaarkood sheegeen in lagu jir dilay Xarumihii lagu baraayay Qaraanka ee gudaha Soomaaliya.

Ra’isul Wasaare Kheyre oo ka qayb galaya madasha Oslo ( Oslo Forum) ayaa sidoo kale u sheegay TV NRK in Dowladiisu ay Sameysay hormar ay kamid tahay Deganaasho Siyaasadeed iyo in dhaqaalaha dalka ay kor usoo qaaday.