Xog-warran: Maxaa sabab u ah Isbaddalka waddanka Itoobiya ka socda (Aqri)

By Asad Cabdullahi Mataan
Siduu u yimid raysulwasaare Abiy, dalka Itoobiya waxaa ka socdo isbaddaal xawaare dheereeyo ku socdo. Isbaddalka uu wado mudane Abiy waxaa ka mid ah kuwo aanan la filayn saamayn weyna ku yeelan karo guud ahaan Geeska Afrika. Tusaale, go’aanka uu ka qaatay qadiyadda Baadhame oo ay Eritareeya isku hayeen. Haddaba maxaa keenay isbaddalkaan dad badan ula muuqdo qar iska-tuur qaarna ula muuqdo mid aad loogu baahi qabay?
Labo arrimood ayaa sabab u ah isbaddalka mudane Abiy: Culaysyo siyaasadeed oo gudaha ah iyo mid dhaqaale oo soo foodsaaray.
 
Siyaasadda gudaha
Mudane Abiy wuxuu ka dhashay qowmiyadda Oromada oo ah tiro ahaan kuwa ugu badan dalka Itoobiya laakiin waligood aan hanan hoggaanka dalkaas. In la doorto waxaa keenay kacdoonno waaweyn oo uu qabiilkiisu sameeyay kuna dalbanayeen xuquuq siyaasadeed iyo mid xorriyad. Imaanshaha mudane Abiy waxay ahayd guul usoo hoyatay Oromo iyo musiibo u billaabatay Tikre iyo kuwa saaxiibka la ah.
Tikre oo hastay xukunka muddo 30 sano ku dhow, waqti aad u dheerna guumaysan jiray qowmiyadaha dalkaas ayaan qaadan karin inay ku hoos noolaadaan xukun Oromo. Sidoo kale, Axmaaro oo ah qabiil aad u ballaaran muddo badanna ka talin jiray dalkas ayaa iyaguna rabo inay boos helaan ay markale dalka madax ooga noqdaan.
Dhammaan qabaa’illada aan soo sheegay waxay hoosta ka wadaan tallaabooyin lagu minjo-xaabinayo Abiy iyo diyaar garow ay ku doonayaan inay xukunka ooga qaaataan. Tusaale, asbuucii hore waxaa magaalada Bahar-Dar ee gobalka Axmaraada looga dhawaaqay urur siyaasadeed ay ku midaysan yihiin Axmaaarada dal iyo dibadba. Ururkaan ayaa loo yakleelay siduu u raadin lahaa xuquuda Axmaarada ka maqan sida ayqabaan. Ururkaan waxaa hoggaminayo rag xag-jir ah oo aaminsan sarraynta Amxaarada iyo dowlad dhexe oo qur sidaas maamul-goboleedyada meesha looga saaro.
Tikreegu waa la mid oo waxaa u muuqdo inay ka bixi doonaan daaqadda maadaama ay yihiin qabiil yar haddii aysan hadda ka hor tagin inta aysan Oromo xididaysan. Soomaalida uu Cabdi Illeey horjoogaha u yahay waxay aaminsanyihiin in  Oromo oo dalka haysato ay la mid tahay iyadoo lala wareegay dhulka Soomaliyeed waxayna si toos ah ula shaqaynayaan guumaystaha Tikree oo ay isu xulufaysanayaan sidi ay u ridi lahaayeen Abiy.
Mudane Abiy waxaa uu ogyahay weerarrada iyo dhibaatooyinka bilowga ah ee kusoo socdo. Wuxuu ka dharagsan yahay inuusan nabad kusii joogi doonin haddii uusan hadda qaadin tallaabooyin u ogaalanayo inuu waddanka hanto.
Tallaabooyin usoo baxay ayaa ah inuu iska soo xiro colaadaha kala dhaxeeyo waddamada dariska ah si uu ugu firaaqo noqdo kuwa gudaha. Wuxuu ka tanaasulay kuwa ugu daran ee u baahnaan lahaa ilaalin joogta ah sida Baadhame iyo wabiga Niil oo Masar ay isku hayaan.
Lama saadaalin karo sida ay u shaqayn doonto ballaan-qaaduadiisa maadaama dalka ay hasytaan rag kusoo naaxay dhibaataynta dalalka dariska laakiin haddii uu ka dhabeeyo waxay u badan tahay in Geeska Afrika nabad looga noolaado. Waxaa suuragal ah in xukunka laga tuuro isagoon meel gaarin.
Arrimaha Dhaqaalaha.
Dhaqaalaha Itoobiya waxay ka heshaan labo dhinac marki laga reebo canshuurta yar ee ay qaaddo dadkeeda saboolka ah. Dhinaca koowaad waa deeqda badan ee ay ku hesho waxa lagu sheegay la dagaallan argagixisada oo ahayd laynta Soomaalida iyo burburinta dalkeeda.
Laga soo billaabo qarixii sarahi Maraykanka, Itoobiya waxay helaysay deeq ballaaran oo uu siiyo Maraykanka. Intii u dhaxaysay 1999-2001-di, Itoobiya waxay Mararkanka ka heshay $928000 (sagaal boqol iyo labaatan iyo siddeed kun) oo kaliya. Qarixi ka dib lacagtaas waxay u sara kacday si aan caadi ahayn. Inti u dhaxaysay 2001-2004-ti waxay Maraykanka ka heshay $16.7 milyan. Sanadki 2005-ti kaligiis wuxuu Maraykanku siiyay $7 milyan oo doolar oo deeq militiri ah. Xasuuso wixii dhacay sanadki kaas ka danbeeyay!
Galiddii Somaaliya ka dib, xisaabta kor ayay usii socotay waxayna helaysay dhaqaale xad dhaaf ah oo ku filnaa ciidamadeeda joogo Soomaaliya, kuwa gudaha iyo waliba kuwa furinta ooga jiro Baadhame. Xisaabta Maraykanka mid aan wax badan ka yarayn waxaa siinayay Yurub oo ilaa iyo qarnigi lix iyo tobnaad taageero la garab taagnaa.
Hadda waxaa bilowday joojinta lacagtaas. Ree Galbeedku intii uu mashquulsanaa dagaalka muslimiinta waxaa gacantooda baxay hoggaanki adduunka. Waxay arkeen Shiine iyo Ruush oo dhaqaale ahaan dhaafi rabo cudud ahaanna ku dhow. Waxaa u muuqatay inaysan ku wada jiri karin laba dagaal oo dhinac ay kula jiraan wiilal yar-yar oo wax ka lumayaa aysan jirin dhimashana aan dan ka lahayn, dhinacna ay kula jiraan dowlado awood badan.
Taraam maamulkisa ayaa garawsaday inay khalad ahayd waqtigii iyo dhaqaalihii ku baxay dagaalka muslimiinta ee aan laga guul-gaari karin. Wuxuu ku dhaqaaqay yaraynta lacagti halkaas loo qoondayn jiray. Wuxuu qaaday tallabaooyin lagu dhimayo ciidamada Maraykanka ee joogo dhammaan waddamada Afrika oo ay Soomaliya ku jirto.
Sida aad u dareensantihiinba idaacadaha reer Galbeedku waxay billeebeen joojinta isticmaalka erayga ‘argagixiso’ iyo hadal haynti joogatada ahayd ee ay kaga hadli jireen Islaamka iyo Muslimiinta. Dhowr sano gudahooda si buuxdo ayuu u istaagi doonaa dagaalki argagixisada ee awalba ahaa mid siyaasadeed. Waxaa furmay mid qabow lagana yaabo inuu mid kulul isu baddalo.
Isbaddalkaas wuxuu walwal dhaqaale ku keenay Itoobiya oo xaqiiqsatay inaysan heli doonin lacagti uu bixin jiray Maraykan waqti dhow. Lacagtaas oo istaagto waxay ka dhigan tahay ciidanka oo dhaqaale waayo sidaas darteedna laguma hayno karo waddamo kale dhexdooda iyo furimo colaadeed.
Dhinaca labaad ee uu dhaqaalaha itoobiya ka imaan jiray wuxuu ahaa deyn maalgashi oo uu bixin jiray Shiinaha. Itoobiya waxay heli jirtay maalgashiga ugu badan ee Shiinahu ku bixiyo waddamada saxaraha ka hooseeyo. Inti u dhaxaysay 2006-2015, wuxuu Shiinihu daymiyay Itoobiya adduun gaarayo $13 bilyan oo doolar.
Horranti bishaan ayuu Shiine ku dhawaaqay inuu joojinayo maalgashigi uu ka waday Itoobiya. Labo arrimood ayaa keenay joojinta. Tan hore deynti oo xaddhaaf noqotay oo gaartay heer aysan Itoobiya awoodin inay bixiso waana sababta rasmiga ah ee uu Shiinahu sheegay. Laakiin mid kale ayaa jirto oo ah in Shiine naftiisu culays dhaqaale soo food saartay inuu dib u fakerana ku qasabtay.
Dagaalkan qabow ee ka dhex bilowday Shiine iyo Maraykan wuxuu ku bilowday mid dhaqaale wuuna sii ballaaran doonaa. Asbuucaan ayay ahayd markuu Maraykan sheegay inuu canshuur badan saari doono badceeco badan oo Shiine laga keeno. Jawaabti Shiine bixiyay ayaa marka kale Maraykan ka caraysiiyay wuxuuna sheegay inuu badeeco qiimaheedu gaarayo 200 oo bilyan oo doolar oo Shiine laga keeno uu saari doono canshuur badan.
Taas waxay ka dhigan tahay in Shiine ku cuslaato dhoofinta alaabaha lagu sameeyo dalkiisa, taasoo dhaawac weyn u gaysan doonto dhaqalihiisa. Sidaas darteed inuu ka faekero meelaha uu maalgashanayo ayaa qasab noqotay. Dal Itoobiya oo kale ah oo aan haysan wuxu dayn isaga bixiyo suuragal uma aha inuu ku sii wado.
Arrimaha dhaqaale iyo kuwa siyaasadeed ee horyaallo mudane Abiy ayaa keenay isbaddalka saaran Xiin-faniin. Meeluu caga-dhigan doono lama oga laakiin waa mid hadda lasoo dhaweeyay.
Maxaa Soomaalida la gudboon?
Qof nabad iyo wanaag kuugu yeeray xumaan looguma jawaabo. farriinta nabadeed ee kasoo yeertay mudane Abiy waxay mudan tahay in lasoo dhaweeyo. Laakiin waa inaan niyadda ku hayno dhowr arrimood. Kow, nabaddu waxay u badan tahay inay tahay mid ku meelgaar ah oo lagu doonayo in lagu badbaado inta uu xididdaysanayo. Sidaa darteed iyadoo nabadda lasoo dhaweeyay waa in tuhun lagu jiifaa loona diyaar-garoobaa sidii looga hortagi lahaa weerarrada ka imaan doono marki uu sal dhigto.
Ogow in Mena Zanaawi Soomaaliya laga abuubulay iyadoo la filayay inuu ka fiicnaan doono Mingiiste, waadna wada ogtihiin abaalkeenni inuu ka dhigay guumaysi iyo layn.
Sidoo kale, mashquul siyaasadeed oo Itoobiya muddo ka socdo dan weyn ayaa Soomaaliya oogu jirto. waayo iyagaa isku mashquuli intay nagu mashquulsanaan jireen, inta uu mashquulkaas socdana waxaan helaynaa fursad aan ku kabanno. Sidaas darteed iyadoo nabadda la qaadanayo haddana waa inaan loo fududayn soo afjarridda muranka siyaasadeed ee gudaha ah.
Ugu danbayn, waa inaan ku jiifnaa in aan maanta nahay dal tabar daran oo aan ilaashan karin xudduudihiisa, gali karin gorgortan adag, la xisaabtami karin waddamada dariska ah sidaa darteed innagoo nabadda qaadanayno waa inaan ku dhahnaa kuwa na leh wax nala qaybsada ma joogno waqti aan wax inukla qaybsanno ee na suga intaan dhismayno.
W/Q: Ibrahim Aden Shire
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid