“Ma aqbali doonno falkii foosha xumaa ee lagu sameeyey haweenkeena”

Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Maxamed Xuseen Afaraale oo kamid ah mudanayaasha baarlamaanka ayaa sheegay in ciidamada dowlada ay xadgudub kula kacaan dadka shacabka ah.

Xildhibaanka ayaa sheegay in bishan June gudaheeda ay ciidamo ka tirsan dowlada kufsadeen 19 gabdhood, oo 11 ka mid ah gabdhahaasi hal maalin la kufsaday, sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaan Afaraale, waxa uu sheegay in dhacdooyinkan foosha xun ay la wadaagen Guddiga joogtada ee Golaha Shacabka waxa uuna xaqiijiyay inay ka dhacday wadada xiriirisa magaalada Muqdisho iyo Baydhabo.

‘’Maaha mid la aqbali karo in ciidamo loogu tallo galay difaaca shacabka ay dib ugu soo laabtan dadka shacabka ah, arrintaasi nagama dhaadhaceyso inaan aqbalno waxaanu u aragnaa fal aad u fool-xun’’

‘’Wey nagu adag tahay inaan afka ka qabsano dhibaateynta Gabdho Soomaaliyeed, waa in Wasaarada difaac ay la imaada talaabo cad oo looga jawaabayo falalka ay geysteen ciidamadooda’’

Sidoo kale, Xildhibaanka ayaa cadeeyay in falalka ceynkaan ah bilihii ugu danbeysay laga roonaa hase yeeshee ay dib usoo bilaabaneyso.

Haddalka Afaraale, ayaa kusoo beegmaaya iyadoo inta badan ciidamada dowlada ay caado ka dhigteen faraxumeynta haweenka Soomaaliyeed.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com