Xasan oo berri sameyn doono wax aysan waligood sameyn madaxdii dalka soo martay

Muqdisho (Caasimada Online) –  Waxaa berri lagu ballansan yahay inuu madaxweynihii waqtigiisa dhamaaday ee Xasan Shiikh Maxamuud xilka ku wareejiyo madaxweynaha la doortay ee Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa berri markale ku laaban doono madaxtooyada isagoo markaan ah ninka ugu sarreeyo wadanka.

Haddaba waxaa soo baxayo warar sheegayo inuu Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud qorsheenayo inuu xilka u wareejiyo sidii xilka u wareejiyeen David Cameroon iyo Obama si uu u noqdo madaxweynihii ugu horeeyey ee Soomaali ah oo sidaas Sameeyo.

Howl-wadaanada ku dhaw dhaw madaxweyne Xasan ayaa Caasimadda Online u sheegay inuu madaxweynaha berri sameyn doono wax aan laga fileyn.

Haddii uu Xasan Berri Sidaas sameeyo waxaa hubaal ah inuu noqon doono mid baal dahab ah ka galo taariikhda umadda Soomaaliyeed.

Haddaba halkaan hoose ka daawo madaxda uu Xasan berri iskoorka ka jabin doono haddii ay wax u dhacaan sida la qorsheenayo:

Caasimadda Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com