Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku gacan seeray go’aankii ay shalay isla gaareen beesha caalamka iyo xubnaha guddiga dib u eegista heshiiska doorashada 2016, sida ay ilo-wareedyo ku sugan Villa Somalia u sheegeen Caasimada Online.
Labada dhinac ayaa isku raacay inay wax aan la qaadin karin tahay in gobolka Banaadir oo ay ku nool yihiin laba milyan iyo bar qof la duudsiiyo xuquuqdiisa matalaadda ee aqalka sare ee baarlamanka.
Si kastaba, Xasan Sheekh ayaa xalay sheegay inaan laga tallaabsan karin heshiiskii uu la gaaray madax maamul goboleedyada kadib cadaadis xooggan oo kaga yimid Cabdi Weli Gaas iyo Axmed Madoobe.
Xasan ayaa xalay billaabay kal fur-furidda xildhibaanada u doodaya xuquuqda gobolka Banaadir, isaga oo la shiray kuwa beelaha aan kasoo jeedin gobolka Banaadir, una sheegay inay diidaan in gobolka Banaadir uu xubno ku yeeshay aqalka sare.
Xildhibaanada intooda badan ayaa diidan musuq-maasuqa iyo lacag uu Xasan u ballan qaaday, islamarkaana taageeray go’aanka beesha caalamka.
Xasan ayaa la sheegay in manta uu isku dayayo inuu is-hortaago in xildhibaanada baarlamanka ay shiraan, oo ay ka hadlaan heshiiska doorashada oo gobolka Banaadir lagu soo daray.
Illaa iyo hadda lama yaqaan, sababta Xasan u diidan yahay in gobolka uu kasoo jeedo xuquuqdiisa uu helo, hase yeeshee dadka Muqdisho badankood ayaa tuhunsan inay jiraan waxyaabo aan la ogeyn oo madaxda Puntland iyo Jubaland ay ugu awood sheeganayaan Xasan.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

