Xasan oo ka fikiraya qofkuu u magacaabi lahaa…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno dhanka Xafiiska Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa sheegaya in Madxaweynuhu uu iminka wado wadatashiyo uu ku magacaabi lahaa Gudoomiye ku-xigeenka dhanka Maaliyada Maamulka Gobolka Banaadir.

Madaxweyne Xassan ayaa shaqsiga xilkaasi uu u magacaabi lahaa ka eegayo laba dhinac oo mid kamid ah ay tahay inuu yahay shaqsi aaminsan mabaadii’da Damul-jadiid maadaama lagu jiro xili kala guur ah.

Ilo xogagaal ka tirsan Xafiiska Xassan Sheekh ayaa inoo xaqiijiyay in iminka uu madaxweynuhu horyaal CV-ga ilaa 3 mas’uul oo laba kamid ah ka tirsan yihiin Damul-jadiid, waxaana la tilmaamayaa inuu keenay Faarax C/qaadir, halka kan seddexaadna uu yahay ganacsade aan wax lug ah ku laheyn Ururada ka jira dalka.

Madaxweyne Xassan ayaa ahmiyad gaar ah siinaaya Gudoomiye ku-xigeenka dhanka Maaliyada Gobolka, bacdamaa Xassan iyo Kooxdiisa ay xiliga doorashada ku tashanayaan miisaaniyada ku jirta Bangida ee inta badan kasoo xaroota Gobolka iyo meelo kale.

Xulashada iyo baadigoobka uu wado Madaxweyne Xassan, ayaa waxa ay dareen gaar ah galisay dhamaan ku-xigeenada kale ee Maamulka Gobolka oo iyagu aaminsan in maalmaha soo socda ay weyn doonaan xilkooda.

Dhanka kale, arrintaani uu wado Xassan Sheekh ayaa waxaa suuragal ah inay dhaliso caburnaan iyo diktaatooriyad lagula dhaqmaayo Siyaasiyiinta daneynaaya Siyaasada Gobolka iyo Beelaha xaqa u leh xilalka ku-xigeenada Gobolka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com