Xog cusub: Imisa dowladood ayaa Sheikh Shariif ku taagersan inuu mar kale madaxweyne noqdo?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo ka tirsan Kooxda Aalla Sheekh ee si dhow ula shaqeeya Madaxweynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in Sheekha uu iminka taageero ka heysto wadamo dhowr ah.

Ilo wareedka ayaa kusoo waramaaya in Sheekh Shariif ololihiisa uu qaatay muddo sanad iyo bar waxa uuna Tilmaamay inuu taageero ka helay wadamo ay kamid yihiin Britain, Mareykanka, Turkiga, Swedan, Jarmalka, Imaaraadka, Qadar, Sacuudiga, Ugandha, Ereteria, Kuwait iyo wadamo kale.

Wadamadaani ayaa ballanqaadyo u sameeyay inay garab ku siin doonaan doorashada la filaayo inay ka dhacdo Somalia.

Sheekh Shariif ayaa dhowr jeer oo sii horeysay sheegay inuu u taagan yahay doorashada soo socta, waxa uuna ololihiisu iminka marayaa heer gabagabo.

Kooxda Damul jadiid ayaa xilka kala wareegtay Madaxweyne Shariif, xili la oronkaro amaanka magaalada Muqdisho wuu ka fiicnaa sida uu iminka yahay.

Doorashooyinka ka dhaca Somalia ayaa mudooyinkaani danbe isku bedeshay heer Urur diimeed, halka caalamkuna uu yahay mid lagu tartamo Axsaab Siyaasadeed oo ka madax-banaan ururo diimeed.

Lama oga halka uu noqon doono hamiga Aallah sheekh mudada soo socta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com