Odowaa oo Qiray Fadeexad ka taagan Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaarada arimaha gudaha xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen “Odowaa”, oo ka qeyb galayay xaflad ka dhacday magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in waxyaabo aan aqlaaq ahaan wanaagsaneyn kusoo kordheen magaalada Muqdisho.

Wasiirka arimaha Gudaha ayaa ka dalbaday duqa cusub ee magaalada Muqdisho inuu wax badan ka badalo waxyaabaha aan anshax ahaan wanaagsaneyn ee kusoo kordhay magaalada Muqdisho.

Waxyaabaha wasiirka uu sida aadka ah u dhaliilay waxaa kamid ah in magaalada ay kusoo kordheen goobaha lagu iibiyo Qamriga iyo goobaha lagu adeegsado, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan rabaa mudanayaal iyo Marwooyin inaan idiin xusuusiyo falalka aqlaaq ee dalkaan ka jira inaysan kaliya argagixisada aheyn, warbixinada na soo gaaray Mudane Guddoomiye meeshaan curubo la dhaho iyo Masaajidka Shekh aweyska agagaarkiisa in Khamrada iyo Aalkuliistinimada ay iska noqotay”ayuu yiri Odowaa.

“maqribka kadib wax iska cad ah, welibana ay ka jirto amnidaro oo waa la isku tooreeyaa oo waa lagu dhintaa, Booliska Ribootka aan ka helno maalin waliba”ayuu hadalkiisa kusii daray wasiir Odowaa.

Ugu dambeyn wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya ayaa ka dalbaday hayada amaanka iney wax ka qabtaan amaanka iyo kuwa ka shaqeeya adeegsiga iyo iibinta waxyaabaha maanka dooriya.

“waxaan codsanayaa Hay’adaha ammaanka iyo kuwa Gobolka in laga shaqeeyo dadka qayimka umadaan ku dagaal galaya.” Ayuu yiri Wasir Odowaa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com